Thursday, January 30, 2014

Burco: Darawaliinta Bajaajta iyo Baabuurta waaweyn oo Dagaal joogto ahi isku haya.Dhegeyso


Hoos ka dhegeyso, waraysi xiiso badan oo aanu la yeelanay Darawaliinta  Bajaajta oo ka waramay qaabka ay u shaqeeyaan iyo Cashuur xad-dhaaf ah oo lagu soo rogay..




Burco(GNA)-Baabuurtu waa gaadiid ku lamaan Nolosha bino-aadamka Magaalooyinka ku dhaqan.




 Waxa uu  ka mid yahay adeegyada lagama maarmaanka u ah isu socodka bulshada ku kala nool Dhulyowga kala fog iyo kuwa isku dhow, iyadoo uu mar walba qayb ka yahay laf-dhabarta Dhaqaalaha bulshada gaadiidku.




Isticmaalka Somalida ee  Birta Mishiinka iyo Shidaalka ku shaqaysaa, waa wakhti dhow, hase ahaatee waa arrin si fudu loola qabatimay, maadaama ay nolosha qayb ka tahay.




“hadii berri awr lagu Guuri jiray ama gaadiid laga dhigan jiray, maanta ninkaan gaadhi lahayni waa Inan gumeed”sidan waxa ku maahmaaha  in badan oo ka mida ah Mujtamaca Somalida ee xiligan.




Gadiidka ayaa u kala baxa laba nooc. Waa mid qof leeyahay oo uu muraadkiisa khaaska ah ku qabsado  iyo noocyo tiro badan oo bulshada ka dhex shaqaysta, kuwaasoo isaga goosha Magaalooyinka dhexdooda iyo Gobollada dalka.




Gaadiidka noocan ah ayaa Ganacsigoodu yahay suuq furan oo aan xakameyn lahayn, inkasta oo lagu ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeyta shaqada si aanay isaga hor iman xoogsadeyaashu.




Sidaasoo ay tahay, marka kasta oo tartan Ganacsi yimaado, waxa muuqata in suuqa la kala riixanayo, khilaafna iman karo.




Burco




vlcsnap-2014-01-29-21h25m44s216 Halkani waa badhtamaha Magaalada Burco, waana Barxadda loo yaqaano Zero-ga, waxaana ka rakaabsanaya Tobaneeyo ka mida Gaadiidka Bajaajta loo yaqaano, kaasoo qayb ka ah Gaadiidka isaga goosha gudaha Magaalada ee Xaafadaha iyo Suuqa loogu muraad doonto.




“waxaanu khaati ka joognaa Gawaadhida waaweyn oo noogu xoog sheegta waddooyinka, iyagoo moodaya inaanay waxan yari gaadhiba ahayn, qaarkoodna kaba xunyihiin inaanu ka shaqaysano waddooyinka, sida basaska oo kale oo dagaal caadiya nagu haya”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Maxamed Xasan oo ka mida waddeyaasha Bajaajta.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaa dhacda inay mararka qaarkood annagoo wadda dhinaceeda taagan baabuurta waaweyn kuwa wataa iska kaaya jiidhaan,sida marar badan dhacday”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Raacista Bajaajtu Magaalada Burco waa adeeg aad u daruuriya, waayo waxay dadka u qaadaa xaafado badan oo ka baxsan suuqa, kuwaasoo aan badankoodu lahayn waddooyin Laami ah.




Laakiinse waxa dagaal aan qarsoonayn oo halistiisa leh ka dhexeeyaa Gawaadhida kale ee dadweynaha, sida Basaska iyo Tagaasida, kuwaasoo inta badan xaafadaha Laamigu maro loo gaar yeelay marka laga yimaado meelo cayiman oo todobaadkii maalin Bajaajtu ka shaqeyso.




 “waxaanu ka shaqaynaa xaafadaha Magaalada oo dhan, waxa kale oo jirta marar qof Ingaydh doonayaa aanu qaadno oo meel geyno, laakiinse inta badan xaafadaha laamiga kama shaqaysan karno oo basaska ayaa ka shaqeeya”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Ninka ku shaqaysta Mootada saddexda Taayir leh, ayaa sheegay inay cadaalad daro u arkaan nidaamka ay dawladda hoose u qorsheysay Gaadiidka dadweynaha, kaasoo loo kala qaybiyay  goobaha shaqada.




“waxyaabaha aanu la yaabnay ee Cadaalad darada aanu u aragno waxa ka mida dawladda hoose meel allaale meeshii Laamiga ahayd waxay siisay Basaska iyo Tagaasida,annagana waxay nalugu khasbay inaanu xaafadaha rafka ah u rakaabsano.




“dee waa arrin aad u layaab badan in waxan yar saddexda Taayir la yidhaahdo rafka ka shaqee, kuwii waaweynaa ee afarta taayir ku socdayna Laamiga loo xidho. Tobankii maalmoodba maalin ayaa naloo ogolyahay inaanu laamida dheer qaadno. Inta kale waxaanu ka shaqaynaa xaafadaha rafka”.




Gaadiidka Bajaajta ayaa Magaalada ku leh ilaa saddex istaan oo mashquula, kuwaasoo ay uga rakaabsadaan Xaafadaha Iskuulka Jarmalka, Plaza, qasabka iyo kuwo kale oo rabac u jira suuqa, sida Gaha iyo Sayladda xoolaha.




Siciid Cabdilaahi Yuusuf, waa mid ka mida Mulkileyaasha Gaadiidka Bajaajta ee ka rakaabsada wajahada Xanaanada dhexe ee  Badhtamaha Magaalada Burco.




Waxa uu sheegay in cashuur dheeraad ah lagu soo rogay, taasoo aanay qaadi Karin ama aanay iska bixin Karin.




“waxaa nalugu soo rogay cashuurtii gaadiidka waaweyn laga qaadi jiray. 105000,Shls (Boqol iyo Shan kun oo Shilin”ayaa nalugu yidhi bixiya, markii horena waxa nalaga qaadi jiray 350,000 Shilin, waxa aanu wadanaana waa waxaa yar ee shanta qof qaada, 7500 ayaanu lawdhkii ku baxnaa.




Markaa waxaanu ka codsanaynaa qolada maamulka in cashuurtaa nalaga dhimo”ayuu yidhi




Waxa kale oo aanu ka cabanaynaa laba waddo oo aanu ka shaqaynaynay oo kala ah waddada hodan qaylo iyo Gaha, ayaa mid la siiyay Tagaasida yar yar ee Kabta Buudhka ah la yidhaahdo(Taxi)”ayuu hadalkiisa raaciyay Siciid Cabdilaahi.




Siciid Cabdilaahi ayaa sidoo kale, sheegay inay lacag dhexdooda isaga uruuriyeen, si ay uga qayb qaataan Dhismaha waddo halbowle u ah xoogsigooda, taasoo u baxda   Xaafadda Hodan qaylo.




“waxaanu iska uruurinay oo aanu iminka haynaa lacag gaadhaysa dhawr kun oo dollar oo aanu doonayno inaanu kaga qayb-qaadano dhismaha wadada Hodan qaylo, taasoo aanu iminka doonayno inaanu ku wareejino   qolada maamulka, si ay iyaguna qaybtooda ugu daraan”ayuu yidhi Siciid.




Inkasta oo Bajaajleyaashu sida ay sheegeen samaysteen Iskhaato ka shaqaysa wada shaqayntooda iyo kala dambeynta Istaamada ay ka rakaabsadaan, hadana waxa jirta cabasho gudahooda ah oo ay qaarkood tirsanayaan “Istaanka dhexdiisa waxaanu kala kulanaa Guddoomiyaha iyo nimankan kale ee  iskaashatadu had iyo jeer inay na baadaan ama  lacag naga qaataan markay fursada noo kala qorayaan, baad ama si kale ah”sidaasi waxa yidhi  Cawil Faysal Cabdi oo ah wiil Dhalinyaro ah oo muddo shan bilooda Gaadhi Bajaaj ah kaga shaqaysanayay Magaalada Burco.




Cawil ayaa intaasi ku daray “annagu dhexdayada waanu istaakulaynaa oo hadaba wixii soo kordha, waanu iska caawinaa”.




Cawil Faysal Cabdi, ayaa isagoo ka waramaya Dagaalka ka dhexeeya Gaadiidka kale ee Magaalada ka shaqeeya yidhi “annagoo laamida marayna hadii ay nagu arkaan basasku way nala dagaalamaan, marbay caadi noo jiidhaanba, ama dhalinyaro ayay nagu diraan oo lafahayaga ayaanu uga baqnaa.




Iminka Maalin dhaweyd waxaanu tagnay Sayladda, dabadeed waanu isugu nimi dagaal ayay nagu bilaabeen”.




Is-qab-qabsiga iyo muranka ka dhexeeya Gaadiidleyada Magaalada Burco, ayaa saameyn ku keena mararka qaar isu socodka iyo adeega ay bulshada u hayaan, taasoo muujinaysa inay suurto gal tahay inay sababto xaalad uu adeegoodu istaago wakhti dheer ama waxyeelo inta dhacda ka badani ay soo kala gaadho.




vlcsnap-2014-01-29-21h25m34s97




 



Halkan ka dhegeyso, Waddeyaasha iyo Mulkileyaasha Bajaajta oo ka waramaya waayaha nololeed iyo waxyaabo badan oo ay ka cabanayaan.[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Burco-iyo-BajaajtaM2U00198.mp3"][/audio]




Wariye: Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com