Thursday, January 23, 2014

Garoowe: Wufuud mar kale ku soo qul-qulaysa


Garoowe(GNA)-Wufuud ayaa ka soo qayb-gelaysa Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo 8 Bishan JanaurY la doortay.




Prof. Cabdi wali Maxamed Gaas iyo Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa xilka la wareegay 15-kii Bishan Janaury, walina aan soo dhisin xukuumad cusub oo bedesha  tii Cabdiraxmaan Faroole.




Madaxweyneyaal ka socda Maamulada Somalia ka dhisan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Jubaland, ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, si ay uga qayb galaan xafladda Caleemo saarka hogaanka cusub ee Maamulka Puntland.




Munaasibada Caleemo saarka Madaxweynaha ayaa dhacaysa 24 Bishan oo ku beegan Jimcaha Berri, waxaana ka mida Madaxda kale ee Somalida ka qayb-gelaya, shir-guddoonka Baarlamanka Somalia iyo Masuuliyiin kale.




Sidoo wufuud ka socda Dowladaha, Kuwayd  Turkiga, ururka IGaD, xubno kamida Dowlada USA iyo Carabta, ayaa iyaguna lagu wadaa inay ka soo qayb-galaan xaflada, kuwaasoo qaarkood soo gaareen Magaalada Garoowe maanta iyo shalay.




Amaanka oo kor loo qaaday




Amaanka Magaalada Garoowe iyo Gobollada kale ee Puntland, ayaa kor loo qaaday tan iyo maalmihii doorashadu socotay, maadaama ay dhacayeen munaasibaddo waaweyn.




Xaflada caleemo saarka ayaa noqonaysa mid aad uga mug weyn tii xil wareejinta, waxaana muuqata in Hay’addaha amaanka masuuliyad dheeraad ah la saaray.




Garoowe oo ah Caasimadda Puntland, ayaa ilaa xiligii Doorashada waxa soo galay dad badan oo Magaalada ku soo kordhiyay culays iyo dhaqdhaqaaq badan, kuwaasoo isaga kala yimi Gobollada kale iyo dibada xiligii Ololaha doorashada.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com