Tuesday, January 28, 2014

Mudanayaasha Wakiiladda Oo Ku Kala Qaybsamay Waxka Bedelka Xeer Hoosaadka Golahaasi Oo La Ansixiyey


Golaha  Wakiiladda




Waxa Ay Soo Fadhisanayaan Halkan Hoose  ( Labada Guddoomiye Xigeen ) Oo Soo Daatadii Ayaanu Halkan Ka Bilownay” Xildhibaan Tukaale




“Saddex Sanno Waxa Loo Ansixin Waayey Ee Maalin Kaliye Loo Ansixiyey Meesha Waxbaa Ku Jira” Xildhibaan Obsiiye




Mudanayaasha ( Gobanimonews ) 28-1-2014-Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Ku Kala Qayb samay  Waxka Bedelka Xeer Hoosaadka Golahaasi  oo lagu ansixiyey  Kalfadhigii Golaha Wakiiladda oo markii u horeysay intii ay jireen Xeer hoosaadkooda  ay waxka bedel iyo Kaabis ku sameeyeen qodobko ka mid ah Xeer hoosaadkooda sida Awoodaha Shirgudoonka  iyo qaabka uu u shaqeynlahoodu.




 Fadhigii golahaasi ee shalay ayaa ahaa mid ugu horeyn ku bilaabmay jawi degenaasho ah waxana fadhigaasi ka soo xaadiray 46 Mudane iyada oo uu Shirguddoominaayey  Guddoomiyaha Golahaasi  Md, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro ) iyo Labadiisa ku xigeen oo hareero  fadhiyey, waxaana  mar qudha is bedelay jawigii Kalfadhiga Mudanayaasha, ka dib markii labadii guddoomiye ku Xigeen ee Guddoomiye Xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye Xigeenka 2aad ee Wakiiladda Dr. Cali Yuusuf Axmed  ay si cadho leh dibada uga baxeen intaanu bilaabmin Kalfadhigii  markii ay labada Masuul ogaadeen in  uu Mudane Cirro golaha soo hordhigaayo AJandaha: Waxka bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada oo gabi ahaanba meesha looga saaray awoodoodii.




Guddoomiye  C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro ) ayaa Kalfadhigii golaha halkii ka sii waday markii ay labadiisa ku xigeen dibada u baxeen ,waxaanu Mudanayaashii  46-ka mudane ahaa u soo jeediyey inay ama soo akhriyaan Xeerkaasi ama Duuduub ku ansixiyaan, 36 Mudane waxa ay u codeeyeen in si duuduub ah loo ansixiyo Waxka Bedelka Xeer Hoosaadka Golahaasi, halka ay 10- mid ahina diideen una codeeyeen In Xeerka la soo akhriyo ,sidaasina waxa uu Guddoomiye Cabdiraxmaan (Cirro) cod ugu qaaday Ansixinta Xeerkaasi waxana u codeeyay in la meel mariyo Xeerkan 42 Mudane halka ay 4-Mudanena diideen Ansixinta Waxka bedelka Xeer hoosaadka Wakiiladda,Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ee diidanana may codeynin  sidaasina waxaku ansaxay Xeer hoosaadka golahaasi.




 Qaarka mid ah Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland oo ku kala aragti duwanaa ansixinta Waxka  Bedelka Xeer Hoosaadka Golahooda isla markaana  sida ka muuqatay la kala safnaa kalana  taageersanaayeen Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo isaga si buuxda Xeerkan  Cusubi uu awooda golahaasi u ku kaliyeysandoono  iyo Mudanayaasha Xeerkan ka soo horjeeday oo ay isku Fikir ahaayeen Guddoomiye Xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye Xigeenka 2aad ee Wakiiladda Dr. Cali Yuusuf Axmed oo waxka bedelka Xeer hoosaadkan cusubi uu awoodoodii  Shirguddoon meesha ka saaridoono  hoos geyndoonana Guddoomiye Cabdiraxmaan (Cirro) ayaa warbaahintu qaarka mid ah Mudanayaashii kalfadhigaasi ku sognaa ay waxka weydiisay sida ay u arkaan Xeerka Cusub ee la ansixiyey .




Xildhibaan C/kariim Aw Cali Shabeel oo ka mid ah Mudanayaashii  4-ta ahaa ee Ansixinta Xeerkan diidana waxa uu yidhi  “ Waxa weeyaan Xeerba na loo keenay Xeer hoosaadka la yidhaahdo kaas oo ah Xeer hoosaadka golaha Wakiiladdu ku shaqeeyaan,marka waxa weeyaan Xildhibaanadda golahu waxa ay xaq u lahaayeen xeer kasta oo Wakiiladda la keeno inay mudanayaashu soo akhriyaan 2-ba Cisho ka dibna golaha lagu soo cesho oo si xalaal ah looga doodo laakiin arinta meesha ka dhacday waxa ay ahayd arin afduub ah oo u jeedo leh oo gebi ahaanba aan wax la aqbali karo ahayn”




Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland  oo si weyn ula dhacsanaa Waxka bedelka Xeer hoosaadka golahaasi lagu sameeyey iyo Shirguddoonka la baabiyey waxa uu yidhi “ Waxa la horkeenay golaha Xeer hoosaadkii uuu ku shaqeynlahaa oo wax ka bedel iyo kaabis lagu soo sameeyay,golahuna wuu ansixiyey oo hawshiisii ayuu ka qabsaday arintaasuna waxa ay ahayd mid lagu guuleystay Xeer hoosaadkana waanu bedelay oo si golahu si fiican ugu shaqeeyo awal hore golahu waxa uu ahaa Shirguddoon hadase Guddoomiye ayaanu ka dhignay ee wax shirgudoon la yidhaahda ma jiraan oo la wadaaga,odayaashu (Baashe iyo Cali Yuusuf ) waxa ay soo fadhisanayaan halkan hoose  (Kuraasta Wasiiradda loogu talo galay ee Aqalka Wakiiladda) oo marka uu guddoomiyahu u baahdo ayuu u yeedhayaa,marka soo daatadii ayaanu halkan ka bilownay”




Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye ayaa Ansixinta Xeerkan walaac ka muujiyey ayaan darona ku tilmaamay waxaanu yidhi  “ Sharci iyo Sharci daroba waxa ay aheyd gacantaada taag marka waxa weeye waxa  aan u arkaa in ay ayaan daro tahay , waxana weeyaan iyada oo Sharcigu uu intaa wanaag leeyahay oo anigu guddida joogtada ah ayaan ka mid ahaa oo Xeerkani waxa  uu golaha haryaalay mudo saddex sanno ah oo Saddex sanno waxa loo ansixin waayey ee maalin kaliye loo ansixiyey meesha waxbaa ku jira ayaanu is leenahay”




Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble (Salacalee) ayaa ugu danbeyntii isaga oo Cabiraaya dareenkiisa ku aadan ansixinta Xeerkan cusub oo soo dhaweeyay waxa uu yidhi “ Waanu isku beed iyo Cayn gonay markii hore oo taladu way filiqsaneyd oo Cido kale ayaa gacmaha kula jirtay waxana weeyaan Nidaamka  ayaa ahaa mid qaldan oon caalamka ka jirin oo wax aliyaala wax Shirguddoon la yidhaahdo oo Caalamka ka jira ma jiro ee masuuliyaddu cid ayey fuusha oo cida xilkeedu saaran yahay waa Guddoomiyaha  labadii ku xigeen xilkii kamaanaan qaadin haseyeeshe waxa ay fadhiisandoonaan faloorka ka hooseeya Guddoomiyaha golaha isla markaana Xildhibaanadayadii la soordoortay ee la midka ahaana halka kale ee ka soo horjeedka ayaanu fadhiisandoona waxa kale oonu Xeerkan ku sameynay Madaxweynahu halkii  oo halkii Wasiiradu fadhiisanayeen ayaanu sameynay oo nidaamkii golaha lagu sameynaayey,ninka kaliya ee golahu marka uu soo galo waa Madaxweynaha Somaliland cid kale oo loo istaagaya marka uu soo galo ma jirto oo nidaam ayaanu sameynay ah qaabkii uu u shaqeynlahaa golaha wakiiladdu, marka waxa aanu leenahay toobiyaha cusub ayaa la qaaday ee dadku ha ogaadaan”




Ugu danbeyntii  waxa  meesha ka muuqata in ay khilaaf hor leh keenidoonto Ansixinta Xeer hoosaadkan ay labadii ee Guddoomiye Xigeenka 1aad Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye Xigeenka 2aad ee Wakiiladda Dr. Cali Yuusuf Axmed   cadhada Kalfhigii golahaasi kaga baxeen iyada oo la ogaa in inay mudo Bilka hor ah Baashe iyo Cali Yuusuf  ka dib markii ay saluugeen Isku shaandheyn uu Guddoomiye Cirro ku sameeyay guddi hoosaadyada golahaasi ay dacwad isaga ka dhan ah u gudbiyeen  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ilaa hada meel ay ku danbeeysay Dacwadaasi aan la ogeyn inay la noqdoon iyo in kale.




 Wariye Mr Hudle




Gobanimonews@gmail.com




Hargeysa office/Somaliland