Wednesday, January 29, 2014

Morsi oo lagu eedeeyey inuu xabsiga ka baxsaday


Qahira(GNA) Madaxweynihii Masar e militariga afgemiyeen Maxamed Morsi ayaa shalay (Salaasa) la horkeenay maxkamada Qaahira,




MaxamedMOrsi_Maxkamad2-300x152




 




 




 




hogaamiyihii hore ayaa diyaarad helikobter ah lagaga soo qaaday Xabsi ku yaal magaalada Alexandariya.




Waxaa maxkamada sidoo kale la keenay 130 -eedaysane oo danbiyo kala gedisan lagu soo eedeeyey. Maxamed Morsi ayaa dacwada hada lagu soo oogay la xadhiidhaa, inuu ka baxsaday xabsiga ku yaal magaalada Qaahira sanadkii 2011 xili uu socday kacdoonkii xukunka looga tuuray Xusni Mubarik.




Morsi iyo xubno kale oo kamid ah Ikhwaan Muslimiinka ayey dowladii mubarik ku xidhay xabsiyada xiligii uu kacdoonka socday 2011-kii, balse 20.000 oo maxbuus oo uu ku jiro Maxamed Morsi ayaa markii danbe ka baxsaday xabsiyada.




Maxamed Morsi ayey xeer illaalinta ku eedaysay inuu la shaqeenayey kooxda falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Kooxda saldhigoodu yahay Lubnaan ee Xisbu-allah.




Waa markii labaad oo maxkamada la horkeeno Maxamed Morsi tan iyo intii ay inqilaabeen Militariga, waxaana hore loo baajiyey maxkamadeyntiisa horaantii bishan arrimo la xadhiidha dhanka amaanka.




Maxamed Morsi ayaa markii maxkamada la horkeenay qabay dharka maxaabiista, wuxuuna isagoo ku qeylinaya Xaakimka maxkamada ku dhawaaqayey :”…Maxaa tahay Adigu…Aniga ma I taqaanaa….”.




Maxkamada Maxamed Morsi ayaa dib loo dhigay illaa iyo 22-ka bisha Feberaayo.




Maxkamadeyntan ayaa lagu soo beegay xili militariga Masar uu u fasaxay Gen.Cabdifatax Al Siisi, Wasiirka Gaashaandhiga inuu isu sharaxi karo xilka Madaxweynaha doorashada lagu wado in ay ka dhacdo dalkaasi bilaha soo socda




 




Gobanimonews-Desk




Qahira/Masar