Thursday, January 23, 2014

Tirada dadka ku dhintey Rabshadaha dalka Ukraine ayaa hadda gaadhay 5 qof


images (7)Ukraine (GNA) Dhawr qof ayaa ku dhintey mudaaharaadyada rabshadaha wata ee ka socdey muddooyinkii danbe dalka Ukraine ee Yurubta Bari, gar ahaan caasimadda dalkaas ee Kiev. Waa dhimashadii u horeysey tan iyo markii uu bilowdey mudaahaaardayada looga soo horjeedo Madaxweynaha dalkaas Viktor Janukovytj. Dhimashada ayaa hadda mareysa Shan qof, waxaana ku dhaawacmey boqolaal qof oo kale oo isugu jira kuwa mudaaharaadaya iyo ciidamada amaanka. Mudaaharaadyada ayaa bilowdey dhamaadkii sanadkii hore 2013.




Ciidamada amaanka ee dalkaas ayaa dadka kala hortagaayey usha xooga weyn ee Booliska, rasaasta caaga ah iyo gaaska ilmada keena, waxaana markii u horeysey ay isticmaaleen rasaas, halka mucaaradku ay isticmaalayeen, dhalooyin baasiin lagu shubey, dhagax isla markaana ay burburinayeen wixi ka horyimaada. Booliska ayaa isku dayaya in ay kala eryaan dadka isugu soo ururay jidadka waaweyn ee magaalada.




Kuwa mudaaharaadka wada ayaa xarumo ka dhistey Beerta xoriyadda ee bartamaha Kiev. Qabowga iyo barafka ayaa ah mid xad dhaaf ah.




Mucaaradka ayaa dalbanaya in doorasho la qabto taas oo laga soo hormariyey waqtigeeda, kadib markii Hoggaanka Ukraine ay diideen heshiiskii Midowga Yurub, waxaana ku cadaadiyey in aysan dhanka Midowga Yurub heshiis la gelin dalka Ruuhska oo deris la ah isla markaana siiya Gaaska ugu badan ee dalkaas laga isticmaalo.




Wadanka Ruushka ayaa xiligan dadaal ugu jira wadamada jaarka la ah oo horey xiriirka dheer uga dhaxeeyey inaysan ku biirin Midowga Yurub isagoo adeegsanaya awoodiisa dhaqaalaha sida Gaaska iyo Batroolka uu siiyo wadamada Bariga yurub ee jaarka la ah.




Mucaaradku waxay doonayaan in Ukraine mustaqbalka ka mid noqoto bahda Midowga Yurub halkii ay u dabranaan lahayd magaalada Moskoo oo ka hor 1991 looga talin jirey




Gobanimo-Desk




Hargeysa/Somaliland