Sunday, January 26, 2014

Burco: Dad Shacab ah oo bililiqaystay Dhulka Danta-guud +Sawirro


 



P01-01-12_20.31



Burco(GNA)-Tiraba Afar Goobood oo ka mid ah dhulkii danta guud ah ee Gobolka Togdheer ee magaalada Burco ayay dhisteen dad shicib ah.




Afarta Goobood ee la dhistay ayaa waxa ay  ku kala yaalaan ,Kasoo horjeedka Wakaalada Biyaha Burco,Kadinka Hore ee Gurigii uu deganaa Badhasaabka Gobolku,iyo laba Gobood oo u dhaxeeya isla Guriga Badhasaabka iyo wasaarada xanaanada Xoolaha,kuwaas oo sadex Gobood oo ka mid ah dhulkaas la boobay dhamaantood laga kiciyay Bino,halka Guriga Badhasaabka hortiisana lagu warhelay iyadoo sees lagu dhameeyay in kasta oo askari ka mid ah Boolisku uu ii sheegay in uu badhasaab ku xigeenku hore arintan uga warhayay laguna wargaliyay in camuudii iyo Biyihii la dhigtay oo ay doonayaan in dad shacib ahi dhisto.




 



P01-01-12_20.35



Waxaanay dad ku dhawaa dhisme ka danbeeya Guriga Badasaabka oo ka mid ah dhismayaasha sharci darada lagu dhisanayay sheegeen in cida dhismahaas dhisatay ay ahaayeen saraakiil ka mid ah ciidamada milatariga,halka disma kale oo kaas ku dhawna ay dhisteen faamliga hoose ee Badhasaabku xigeenka.




waxaana Boobka dhismayashaani uu dhacay intii uu xilka iska casilay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer Mudane Xamarji,taas oo dayac wayni ku yimi Gobolka Mudadii uu ku simaha ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka ahna Ku simagha Gobolka  Mr Ubaxle,.




si kastaba ha ahaatee maaha markii koowaad ee sidan oo kale ay dhulkii danta guud dad shicib ahi iska dhistaan intii ay dawlada siilaanyo dalka qabsatay waxaana hore u dacay in  oo la dhistay Goobo badan oo muhiim ah oo hore loogu diiday dawladii ka horeeyay dawlada Madaxwayne Siilaanyo,waxaan mudo yar hada ka hor la dhistay Qaybo ka mid ah Gurigii Taliyaha Qaybta iyo kii xeer ilaaliyaha  Gobolka. P01-01-12_20.36 P01-01-12_20.38




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com