Friday, January 24, 2014

Dawladda Ingiriiska Oo Ku Dhawaaqday Inay Hargeysa Qunsuliyad Ka Dhisaneyso Amaanteyna Horumarka Iyo Ay Somaliland Ku Talaabsatay Mudadii Ay Jirtay


 




Mr Chris Allen




“Waxa Aanu Ka Dhisaynaa Halkan  Hargeysa  Xafiis (Safaarad) Aanu Leenahay Oo Saraakiishayadu Somaliland Way Yimaadaan Hadh Iyo Habeenba Todobaad Kasta “Ambassador Chris Allen 




“Waxa Aanu Somaliland Ka Caawina Dhinacyada   Warxbarashada,Amniga Madaaradda,Caafimaadka,Dhaqaalaha… Mr   Chris  Allen




Safiirku(Gobanimonews)24-1-2014-ka   xigeenka dawladda Ingiriiska u fadhiya Safaaradda Ethopia ay ku leeyihiin Md Chris Allen ayaa oo socdaal shaqo Somaliland ku soo booqday ayaa si wayn ula dhacay horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo Nabadgelyada mudadii 20-ka Sano ahayd ee ay jirtay.




Ambassador Chris Allen  oo dalka ku  yimid  Xadhiga ka jarid dhismayaal  dawladda Ingiriiska Somaliland ka dhiseen, ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay Somaliland geeska afrika oo xaaladda badani ka taagan yihiin mudada dhawr iyo labaatanka Sanno ahayd ee ay jirtay hadana ugu talaabsatay horumarka dhinacyada badan leh, waxanu xusay inay dawladdiisa  Ingiriisku hada Somaliland ka hirgelindoonto Safaarad  isla markaana wax kasta oo suurta gal ah ay inaga caawindoonto.




Md Chris Allen  oo ugu horeyn ka hadlayey  Xidhiidhka taariikheed  ee Somaliland iyo Ingiriiska ka dhexeeya waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay isku soo dhawaanshaha ama wada shaqeynta  xidhiidhka dawladda Ingiriiska iyo Somaliland ee wadaaga taariikhada aadka u dheer oo Somaliland dad badan oo u dhashayna Britain ayey joogaan,runtiina  hanaanka Siyaasaddana madaxda Somaliland iyo madaxdayada dal weynaha Ingiriiska ayaa ka wada shaqeeyey.




Ambassador Chris Allen  oo Somaliland ku amaanayey mudadii ay jirtay horumarka ay ku talaabsatay waxa uu yidhi“Waxa kale oon halkan uga qireynaa inay Somaliland mudadii 20-ka Sanno ka badneyd ee ay jirtay ku guuleysatay horumarka aad ka u balaadhan gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo nabadgelyadda iyada oo waliba ku taala madaqadan dhibta badan leh deegaan ahaan ayaa hadana horumar muuqda ay Somaliland ku talaabsatay taas oo xata ka muuqata dhismayaasha Wasaaradaha dawladda iyo sida loo hormariyey,marka dawladda Ingiriisku aad ayey ugu faraxsan tahay arimahaasi,dawladda Ingiriiska ahaan aad ayaanu ugu faraxsanahay horumar kasta oo Somaliland gaadho iyo in aanu idin kala gacan qabano oo idinka taageerno wax kasta oo suurta gal iyo Horumarka ku saabsan”




Ergeyga ku xigeenka Safaaradda dawladda Ingiriiska uga ah Xafiiskooda Ethopia waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Waxa aanu ka dhisaynaa halkan  Hargeysa  Xafiis (Safaarad) aanu leenahay oo Saraakiishayada qaarba jooga oo todobaad kasta  hadh iyo habeenba Madaxda iyo Saraakhiisha dalka Ingiriiku waytimaada Somaliland,taageeradayada  horumarineed eenu halkan ka hayno si deg deg ah ayey u sii kordheysa oo dhinacyada aanu Somaliland ka taageerno waxa ka mid ah dhinacyada Waxbarashada,Caafimadka,dhaqaalaha ,kobcinta ganacsiga gaarka ah iyo arimaha Amniga madaaradda”




Ambassador Chris Allen  waxa uu ugu danbeyntii  intaasi raaciyey“Sidii dhawr bilood ka hor dawladda Ingiriiska iyo Wasaaradda qorsheynta qaranka ee Somaliland ay u wada sameeyeen qayb qorsheyneed oo horumarineed waanu sii wadaynaa halkiina waanu ka sii amba qaadidoona waxa  aanu aad ugu faraxsanahay Hay’addaha yaga dalka ka hawlgala ee hawlaha horumarineed Somaliland ka haya waxanan sido kale ku faraxsa nahay in aanu ka qaybqaadan doono horumarinta ama hagaajinta iyo dib u habeynta Xabsiyada Somaliland “




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimogroup@gmail.com




Hargeysa Office/Somaliland