Thursday, January 23, 2014

Somaliland: Taageerayaashii Burco ee Xisbiga Kulmiye oo Mucaaridka ku biiray


Burco(GNA)-Cuqaal,Waxgarad,Dhalinyaro iyo haween kasoo jeeda Beesha Bariga Burco oo ka digarogtay Xisbiga  Kulmiye ayaa si rasmi ah ugu  biiray Maanta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.




Arrintan   ayaa dhabar jab siyaasaddeed iyo loolan adag   ku noqonaysa Xisbiga Khilaafku ragaadiyay ee talada waddanka haya.




Xaflad balaadhan oo taageerayaashan Xisbiga waddani u Qabtay,taasoo ka dhacday Hotel Deero ee magaalada Burco ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxda Xisbiga wadani oo  uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed, xildhibaano ka mida Golaha Wakiillada oo Xildhibaan Rayte horkacayo iyo siyaasiyiin kale.




 G/Xigeen Xisbiga wadani Axmed Muumin Seed  oo Xafladaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay Taageerayaasha cusub.




''Aad baan idiinku faraxsahay marhadii aad nagu soo biirteen Beeshiina Barigu awalba Xisbiga waa ku jirteen maantana cududiina waanu aragnaa,Xisbigan waxaad ka helaysaan Cadaalad oo maanta lag bilaabo waynu u simanahay oo cidna lagama laha ee waa loo simanyahay”ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.




Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani C/rashiid Riyaraac oo Xafladaas ka hadlaya ayaa Dawlada ku dhaliilay wadahadalada ay la leedahay soomaliya, isagoo dhanka kale Taageerayaasha soo dhaweeyay.




“Taageerada Bariga Burco ee Xubnaha Muhiimka ah ee xisbigan kusoo Biirtaya waanu soo dhawaynaynaa Farxad gaar ah bay ii tahay,Kulmiye in badan baa loosoo saqeeyay oo tacab badan baad soo galiseen Balanqaad badan buu sameeyay,wixii la balan qaaday lama hayo,waxaan leeyahay Xukuumada Markhaati ka noqonmayno in uu Wasiirka Qorshayntu yidhaahdo Sideed iyo Tobankii Gobol ee Soomaaliya ayaa dadka lagu diiwaangalinayaa aad ka mid tihiin,Markhaati ka noqnmayno oo yeeli mayno waxa turkiga laga wado ee a in shalay la saxeexay in wax walba laga wadahadlo oo ay ka mid tahay Gooni isu taagii Somaliland,Heshiisyadan iyo xaquqalinkan ay dawaldu qaadanayaso ee shirkadaha la keenayo,waligiin miyaad aragteen dawalda tidhaahda xaquqalin baanu qaadanaynaa,waad ogtiin dekadeenii iyadaan cid lagala tashan in lasoo saxeexayo maxaa lagu qaadanayaa,dhegysan mayno heshiis aan baarlamaan la gayn,Saaka waxaa hadlayay madaxwaynihii Somaaliya waxa uu yidi Midnimada Somaliaya waa muqadas Turkiga waxa laga wadaana waa Muqadas wax intaas ka sokeeya oo lag wada hadlayaana ma jiraan,inagana qoladeenii intay soo noqotay bay yidhaahdeen meeqaam sare ayaa nalagu soo dhaweeyay,




Xildibaan Jaamac Xasan Aadan ,Xil.Rayte,Xildh.Xuseen Cige,Xoghayaha Guud ee Wadani,Xasan Xuseen,Dr-Fadal,Agaasimihii Hore ee Ciyaaraha Mr-Mustafe,Hinda  iyo madaxkale oo Xisbiga ka tirsan ayaa dhamaantoodba soo daweeyay taageerayaashan kusoo biiray Xisbiga wadani,waxaanay sheegeen inay guul wayn u tahay Xisbiga.




Oday Cabdi Maxamuud Qaloonbi (Cabdi Cago) Yuusuf,Muj: Cawl,Aamina Saado,oo ku hadlayay Tageerayashii iyo Madaxdii kusoo Biiray Xisbiga wadani ayaa dhamaantoodba sheegay ina xisbigan ay kusoo digarogteen ay awood iyo dedaalba isla barabar taagi doonaan kuna kalsoonyihiin inay cadaalad ka helaan.




Xisbiga Kulmiye ee ay Taageerayaashu ka soo guureen, ayaa Khilaaf ragaadiyay qabsoomida shirweynihiisii 3-aad oo saddex jeer dib u dhacay ilaa dabayaaqadii sanadkii ho