Sunday, January 26, 2014

Madaxweyne-Ku-xigeenka oo la Kulmay Wefti ka Socday Shirkad Maalgasho oo laga leeyahay Ingiriiska


MadaxHargeysa (GNA)- Madaxweyne-Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda shirkad maalgashi oo magaceeda la yidhaa DETOL, taasi oo ay dalka keeneen wasiirrada Khaarajiga iyo Ganacsigu.




Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Somaliland – Maxamed Biixi Yoonis iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka soo laabtay weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo dalka Faransiiska, ayaa madaarka diyaaradaha ee Egal International Airport ka soo degay iyagoo ay wehelinayaan wefti ka tirsan shirkadda DETOL oo ah mid ka shaqaysa dhoofinta shidaalka, lagana leeyahay dalka Ingiriiska, kuwaas oo doonaya inay maalgashato haamaha shidaalka Berbera, isla markaana kormeer indho-indhayn ah ku samaynaysa.




Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxa kulanka uu la yeeshay weftiga ugaga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, isagoo sheegay in xukuumadda Somaliland ay soo dhawaynayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa dalkan oo uu xusay inuu leeyahay khayraad dihin.




Dhinaca kale, xubnaha weftiga ayaa iyaguna sheegay inay ku faraxsan yihiin socdaalkooda Somaliland iyo weliba soo dhawaynta wayn ee loo sameeyey




Gobanimo-Desk




Hargeysa/Somaliland