Thursday, January 23, 2014

Ciidamada Faransiiska oo soo badbaadiyey La haystayaal gacanta ugu jiray Burcadbadeeda


French_Ship_Rescue_Indians_Pirates_360Ciidamada Badda Faransiiska ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan muwaadinin reer Hindiya oo gacanta ugu jiray kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.




La haystayaasha lasoo badbaadiyey waxay gaarayaan 11-qof, waxaana lagu haystay Dooni nooca ganacsiga oo ay Burcad badeeda ku haysteen aaga Biyaha gacanka Cadmeed, iyadoo mararka qaar u isticmaaleen weerarada ay ku qaadaan maraakiibta waaweyn ee aaga maraya.




Markab dagaal oo ay iska leeyihin Ciidamada Badda Faransiiska iyo diyaarad ay iska leeyihin Ciidanka Japan ayaa iska kaashaday soo badbaadinta muwaadininta reer India, sida ay sheegeen Saraakiisha hogaaminaaya howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda.




Waxaa la filaaya in maalmaha soo socda ay dib ula midoobaan qoysaskooda.




Shan kamid ah Burcadbadeedi saarnayd doonta ayaa isku dhiibay Ciidanka Kumaandooska Faransiiska, waxaana loo wareejiyey Markabka dagaal oo su’aalo lagu waydiinaayo.




Kooxdaan ayaa loo maleynaaya in ay isku dayeen todobaadkii lasoo dhaafay in ay afduubkaan markab nooca shidaalka qaada oo ay ku weerareen xeebaha gacanka cadmeed balse ay ku guuldaraysteen in ay afduubtaan.




Weerarada iyo afduubka kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii ayaa si aad ah hoos ugu dhacay




GOBANIMO NEWS