Thursday, January 23, 2014

Sooyaalka Siyaasadda iyo Cali-daacuun.qaybtii 4aad


CALI DAACUUN: SOOYAALKII  SIYAASADEED  EE  SOO  DHEXMARAY  MADAXWEYNIHII  HORRE  SHEEKH  SHARIIF+  FARMAAJO +  SHARIIF XASAN + CABDIWELI + FAROOLE + KAMPALA   ACCORD .QEYBTII 4aad




Cali_Daacuun[1] (1)




Qoraalka fari kama qodna, waa in loo dulqaataa inta uu dhamaanayo.




Loolankii siyaasadeed, waxa uu ka sii socday halkiisii, waxaana saxeexayaashii Road-map-ka sameeyeen maxkamad siyaasadeed, oo reebeysa mudanayaasha ay beeluhu soo qorteen, waxaana maxkamaddaasi saldhig ka dhigatay hebel waa War-lord, hebel wax ma qori yaqaan, hebel maalin ayuu gabadh caayay, arrimahaas oo dhami shir-qool bay ahaayeen, lagu shir-qoolayo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif sh. Axmed.




Mar danbe, ayuu sheikh Shariif Sh. Axmed galka seefta ka saaray, wuxuuna ganafka ku dhiftay shirqoolka siyaasadeed, ee Maxkamadeysan, waxaana halka xuquuqdoodii ku helay mudanayaashii maxkamadda la saaray.




Mudane Cabdi weli Cali Gaas, ma xusuusan abaalkii uu u galay Mudane Farmaajo, wuxuuna si fiican ula diriray saaxiibadiisii hore ee uu ka midka ahaa, ee la oran jiray XUKUUMADDII TAYO, wuxuuna si aad ah ula sii diriray Wasiirkii Warfaafinta iyo boostada C/kariim Xasan Jaamac. waxa uu sameynayo Mudane Cabdi weli waa loo jeedaa, shacab ahaan, iyo siyaasiinba, wuxuuna ku howlan yahay sidii uu u noqon lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




Maalmo ka dib, waxaa magaalada yimi Farmaajo oo ah Murashax Madaxweyne. Cabdi Weli Cali Gaas si weyn ayuu u dhibsaday markuu maqlay farmaajo ayaa soo gaadhay Magaalada Muqdisho.




Ra’iisul-wasaarihii hore Cabdi weli Cali gaas, wuxuu kala dilay Beesha Sadde, wuxuuna lacag badan ku bixiyay caleemo-saarkii Ugaaska Beesha Sadde, isagoo ay dantiisu tahay Ugaasku xildhibaanada uu soo qoro si uu cod uga helo. Mushkiladaas siyaasadeed, ilaa maanta way ka dhex taagan tahay Beesha Sadde.




Waxaa kale oo ay faraha la galeen, xildhibaanada Beesha Dhulbahante, waxaana ku wehliya shirqoolkan siyaasadeed ee iska hor-keenaya beelaha Mudane Faroole.




Herdinka siyaasadeed weli waa sii socdaa, waxaa warbaahinta ka hadlay Mudane Faroole oo wakhtigaas ahaa Madaxweynihii Punt-land, wuxuuna ku dhawaaqay in Madax-dhaqameedyada Punt-land ay si deg deg ah u soo galaan Garoowe, hase yeeshee intii caqliga qabtay way hadhay, waxaase baxay kuwii u dhega nuglaa Faroole. Halkaas waxaa ka bilowday dagaal la oran karo (labadii xaq darro ku heshiisa xaqey ku dirirtaa), lama garan karo waxa uu is tusay Mudane Faroole, balse waxaa la garanayaa meesha uu u socdo Mudane Cabdi Weli Cali Gaas.




Madax-dhaqameedyadii waxay soo jeediyeen in aan dastuurkani anfaceyn dalka, balse waxaa la siiyay jawaab kooban oo ah, wixii khaldan soo qora, markaad akhridaan dastuurka, si loo badalo.




Madax-dhaqameedyadu way ku guul-dareysteen in wixii khaldanaa ee ay soo qoraan laga badalo dastuurka, waana tan keentay maanta in Dastuurka lagu shaqeynayo uu yahay mid iska hor-imanaya, oo uu nin waliba sida uu doono u sifeysanayo.




LA SOCO QEYBTA 5-AAD