Thursday, January 23, 2014

Juan Mata Oo Helicopter U Qaatay Old Trafford Si Uu U Dhameystiro Heshiiska Man United .


Mata4Saxiixa cusub ee Man United Juan Mata ayaa u duulay garoonka Old Trafford si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu wareegayo kooxda Man United.




 




Xidigaan reer Spain ayaa Diyaaradda nuuca Helicopter-ka ka qaatay Battersea meesha la yiraahdo ee ku taala Koofurta magaalada London.




 




Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Juan Mata uu saacadaha soo aadan dhameystiri doono heshiiska uu ugu biirayo Man United waxaana lagu wadaa inuu berito  oo Jimco ah tababar la bilaabo kooxda.




 




Juan Mata ayaa xerada tababarka kula kulmi doona Macalin David Moyes waxaana uu waxyar kadib caafimaadka ayuu ku mari doonaa Isbitaalka Bridgewater la yiraahdo ee ku yaala  bartamaha magaalada Manchester.




 




Juan Mata ayaa xaadir noqon doona kulanka ay talaada la ciyaari doonaan Cardiff City kulan ka tirsan Premier League.




 




Ugu dambeyntii Xidigaha Manchester United qaarkood ayaa ka qeyb gali doona soo dhaweynta Mata iyagoo gawari u qaatya xerada tababarka Carrighton.