Thursday, January 23, 2014

Sooyaalka Siyaasadda iyo Cali-daacuun.Q. 3aad


CALI DAACUUN: SOOYAALKII  SIYAASADEED  EE  SOO  DHEXMARAY  MADAXWEYNIHII  HORRE  SHEEKH  SHARIIF+  FARMAAJO +  SHARIIF XASAN + CABDIWELI + FAROOLE + KAMPALA   ACCORD




Qeybtii 3aad




Dhowr fadhi ayaa la yeeshay, waxaana ka soo baxay in la sameeyo Dastuur, iyo sidii loo agaasimi lahaa Doorasho ka dhacda dalka, marka uu dhamaado sanadkii loogu daray dowladda.




Dalku wuxuu galay jaah-wareer siyaasadeed, xukuumaddii C/weli-na waxay ka badin weyday inay ka howl gasho, sidii loo keeni lahaa Madax dhaqameedyadii, iyo ergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka, ka dibna doorasho cusub loo geli lahaa.




Ra’iisul-wasaarihii hore C/weli cali gaas, wuxuu iftiimiyay in damac Madaxweyne uu ku jiro, kolkuu la tashaday saaxiibadiis, oo ay ka mid ahaayeen Goodax iyo Xoosh, waxayna kula taliyeen, maadaama aad tahay Ra’iisul-wasaarihii, dhaqaalihii dalkuna gacanta kuugu jiro, Madax dhaqameedyadiina aad lug ku leedahay, annaguna aan dastuurkii kuu ansixineynno, waa inaad jagada Madaxweynaha isu taagtaa, weyna noo muuqataa inaad ku guuleysan doonto.




C/weli Cali Gaas, wuxuu gacmaha la galay inuu Madax dhaqameedyadii ku yiraahdo Hebel Soo Qora, abaal-gudkiiniina waa kaa. Mudanayaal badan ayaa la soo qoray, balse kama uu faa’iidin.  




Kooxdii Badbaado, waxay kale oo ay is tustay in ay ka fursad fiican yihiin Murashaxnimada Sheekh Shariif Sh. Axmed, iyo haddii ay tahay Shariif Xasan, waxaa kale oo u muuqday in Shariif Xasan, lagu reebaayo doorashada baarlamaanka, ka dib marka uu isa sharaxo qof ka soo jeeda Beesha Raxan weyn.




Waxaa la galay Xulashadii Baarlamaanka, waxaana loo dareeray in qof kasta oo raba inuu noqdo Xubin Baarlamaan uu iska xaadiriyo Madax dhaqameedkiisii, haddii uu heysto dhaqaalana uu dul dhigo Duqa Reerka, si uu liiska baarlamaanka ugu soo daro.




Xulashadii baarlamaanka iyo madax dhaqameedyada, waxay isu badashay Seylad, gor-gortan dhaqaale ayaa bilowday, mudanayaasha qaarkood, waxay ku soo galeen xubinimada $100,000 US Dollar, qaarkoodna waxay ku soo galeen $50,000 US Dollar iyo wixii ka hooseeya.




Ugu danbeyn, waxaa lagu guuleystay in la soo xulo 275-xubnood, oo baarlamaan ah, waxayna si deg deg ah u sameeyeen guddigii Doorashooyinka, waxayna iska soo dhex qabteen ninka ugu da’da weyn, inuu hoggaamiyo doorashada inta laga gaarayo Guddoomiye rasmi ah, oo la doorto.




Waxay mudanayaashu cod fudud ku doorteen Mudane Jawaari, inuu noqdo Guddoomiyihii Baarlamaanka, riyadaasi way u hir-gashay C/weli Cali Gaas, iyo Sheekh Shariif Sh. Axmed, musharaxiintii u taagneyd Madaxweyne nimada way soo dhoweeyeen Guushii Jawaari.




Shariif Xasan Sh. Aadan, aad iyo aad ayuu uga xumaaday, wuxuuna warbaahinta siiyay war oranaaya “Horena waa naloo dooran jiray, maantana waa naloo doortay”.




Halkaas, waxaa ku bur-buray Riyadii Shariif Xasan, waxaana isku soo haray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Ra’iisul-wasaarihiisii C/weli Cali Gaas.




waxaa mar kasta uu jeclaa Sheekh Shariif in Shariif Xasan uu ahaado Guddoomiyihiisii Baarlamaanka, C/weli Cali Gaas-na uu sii ahaado Ra’iisul-wasaarihiisii, hase yeeshee way la garan waayeen, oo waxaa qaaday Damac iyo Dacar.




 




La soco Qeybta 4-aad……………………..