Thursday, January 23, 2014

Qurba-jooga Reer Harawo oo Agab waxbarasho gudoonsiiyay Dugsiga Hoyga Agoonta Jig-jiga


aaaDanbalJigjiga{GNA}Qurba joogtan u dhalatay deegaanka gaar ahaana ka soo jeeda degaanka Harawo oo maalmahanba ku sugnaa xarunta deegaanka islamarkaana booqasho ku tagay meelo ka mid ah degmooyinka awbare iyo danbal ayaa maanta gudoon siiyay agab waxbarasho gudsiga hoyga agoonta ee ay ku xiraysan yihiin ubadka uu ururkii wakhtiyo ka dhaq dhaqaaqi jiray deegaanka UBBO uu waalid koodii gumaaday.




Deeqdan agabka waxbarasho oo ka koobnaa Buugaag iyo qalinaad aad u tiro badan oo loogu tala galay in ay wax ku bartaan ardaydan agoonta ah ee ku xiraysay dugsigan ayaa waxaa goob jooga ka ahaa munaasabadii lagula kala waregayay agabkaasi maareeyaha gudsiga hoyga agaanta mudane bashiir, maareeya qurba joogta mudane c/bari macalin maxamed iyo waliba xubnaha qurba joogta ah ee iyagu ku caawiyay agabkan wax barasho dugsiga hoyga agoonta. Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadii lagula kala wareegayay agabkaasi gudoomiyaha qurba joogta ka soo jeeda degmooyinka awbare iyo danbal mudane ismaaciil oo ugu horayntii u mahadnaqay xukuumada DDSI oo iyadu hirgalisay dugsigan hoyga agoonta islamarkaana damaanad qaaday ardayda inta leeg waxbarashadood jiiskooda cuntadooda iyo waliba hugooda, wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay tahay arin lagu farxo islamarkaana siwayn loo taageero isaga oo hoosta ka qariiqay in ay deeqdan tahay mid ay ugu talagaleen agoontaa ay hada ka dibna dhankooda ku dadaali doonaan ka warhaynta agoontaasi.




Dhankiisa waxaa isaguna ka hadlay maayeerahay gudsiga hoyga agonta mudane bashiir oo ka gudoonay agabka deeqda ah, waxa uu sheegay in uu siwayn ugu mahad naqayo qurba joogtan muwaadiniinta ah ee u dhashay deegaanka sidoo kale waxa uu maayeeyuhu tibaaxay in ay tahay arin ku dayasho mudan oo ay ku danayn doonaan qurba joogta iyo maal qabeenada u dhashay deegaanka, waxa kale oo u ka warbixiyya in ay dugsigan ku xeraysan yihiin arday uu waalidoodii laayay ururkii hadhaagii nabad diidka UBBO islamarkaana dhan yihiin 580 arday kuwaasi oo dhigta fasalada 1 ilaa 11.




Maaha markii ugu horaysay ee ay agab deeq ah oo lagu caawinayo dugsiyada hoyga agoonta ee waxaa kale oo horayn u keenay agab deeqo ah qaarka mid ha qurba joogta u dhalatay deegaanka iyo qaarka mid ah ganacsatada u dhalatay deegaanka waana arin muhiim ah oo kudayasha mudan




Gobanimo news




Jigjiga office