Thursday, January 30, 2014

Madaxweyne Xasan Sheekh “Awood darrida ciidamadeena waxaa sabab u ah cuna qabataynta hubka ee willi na saaran”


Adis-Ababa (GNA) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh, Max’ud oo magaaladda Addis-Ababa ugu waramay




IMG_05701-500x333




 




 




 




 




wakaaladda wararka Reuters ayaa mar uu hadlayay arrimaha ciidamada waxaa uu sheegay in agabka ciidamada oo dawlada ku yar awgiis ay keentay in ciidamadu ay ku filnaan waayaan mararka qaar amaanka magaalooyinka laga qabsado Xarakadda Al-Shabab.




Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in caqabadu ka haysato cuna qabataynta hubka oo aan Soomaaliya si rasmi ah looga qaadin taasoo keentay buu yiri in ciidamada ay ku yaraadaan saanadda ay adeegsanayaan.




Golaha amaanka ee Q,M ayuu weydiistay M/weynuhu inay si buuxda cuna qabataynta hubka dawlada uga qaadaan waxaana uu intaa ku daray haddii ay taasi dhacdo in ciidamadu awood buuxda u yeelan doonaan sugida amaanka dalka oo dhan.




“Qof walba oo Soomaali ah iyo saaxiibadeena beesha caalamku ha ogaadaan inay jiraan magaalooyin aysan dawladu maamulin oo gacanta Al-Shabab iyo Al-Qacida ku jira marka haddii aysan ciidamadeenu garab helin argagixisadu waa ay sii joogayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh, Max’ud.




Sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in haddii ciidamadu agab ku filan helaan ay dalka oo dhan isku fidiyaan oo ay Al-Shabab jabin karaan.




Mar wax laga weydiiyay xilliga ay dawladu ku duulayso gobolada gacanta Al-Shabab ku jira ayaa waxaa uu ku gaabsaday “Ma aha xilli fog”.




 




Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu waraysigiisa oo dhinacyo badan taabanayay waxa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, dib u dhiska wadanka iyo garsoorka. Golaha amaanka ee Q,M ayaa horey qeyb ahaan qaaday cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saarneyd tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe




Gobanimonews-Desk




Addis-Ababa/Ethoipia