Tuesday, January 28, 2014

Xidhiidhka FA-ga Oo Badalay Waqtigii La Ciyaari Lahaa Kulanka Manchester Derby, Maxaa Sabab?


Aguero-CityXidhiidhka FA-ga dalka Ingiriiska ayaa soo saaray wareegto ay dib ugu dhigayaan kulankii ay ciyaari lahaayeen labada kooxood ee ka dhisan magaalada Manchester kadib xaalad aan la fileynin oo kusoo korortay kooxda Man City.




 




Kulankaan waxaa uu ku calaameysnaa inuu dhaco 1-da March-2014, balse Man City ayaa usoo gudubtay Finalka Koobka Capital One Cup kaas oo finalkisa uu ku qorsheysan yahay inuu dhaco 2-da March-2014, suuragalna wey noqon weysay in Man City ay la ciyaarto Man United maalin ka hor maalinta Finalka ay la ciyaari doonto Sunderland.




 




Si Kastaba Xidhiidhka FA-ga ayaa go’aamiyay waqtiga la ciyaari doono kulankaas waxaana ay isla garteen in la ciyaaro 25-ka March-2014 inuu qabsoomo kulankaas oo ka dhici doona garoonka Old Trafford Waana Maalin Talaado ah habeen Arbaco ay soo galeyso waxaana la daawan doonaa  9:45 habeenimo.




 




Xusuus u yeelo kulankii ugu dambeeyay labada kooxod wuxuu ka dhacay Etihad Stadium markaas oo United lagu dubtay 4-1.