Thursday, January 30, 2014

Caynabo: Nin Ganacsade caan ah ku dilay Oog todobaad ka hor Oo la soo qabtay


Caynabo(GNA)-Nin dhawaan Degmada Oog ee Gobolka Saraar ku dilay Ganacsade si weyn looga yaqaanay deegaankaasi, ayaa maanta gacanta lagu soo dhigay.



Ninkan ayaa dilay todobaadkii hore Oday Cabdi Aadan Garas oo ahaa Ganacsade ka mida dadka nabadda ka shaqeeya ee Gobolka Saraar, ka dib markii sida la sheegay uu muran dhul dhex maray, ka dibna uu goor gelin dambe ah Arbacadii todobaadkii hore xabad ku dhuftay Marxuumka.



Gacan ku dhiigleha ayaa baxsaday, iyadoo dadka deegaankuna Hay’adaha amaanka ku dhaliileen inay ka gaabiyeen in la soo qabto ninkaasi iyo kuwo kale ooh ore dilal u geystay.



Dadka mida bulshada Gobolka Saraar, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Ninkaasi maanta gelinkii dambe  lagu soo qabtay Buuraha Bariga Somaliland ee Goliska, halkaasoo uu baxsasho ku sii marayay.



Xubin ka mida Odeyaasha Gobolka Saraar ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha ay soo qabteen Ciidan ka daba tegay oo beesha uu la soo jeeddo ah.



Warku wuxuu intaasi ku darayaa in si weyn looga soo dhaweeyay talaabadan Deegaanka Oog, isla markaana la keenayo gacan ku dhiiglaha deegaanka uu dhagarta ku galay.



Dilal kala duwan ayaa lixdii bilood ee ugu dambeeyay ka dhacay deegaamada Gobolka Saraar iyo soohdinta ay wadaagaan Goboladda Sool iyo Sanaaag.



Gobanimonews



Burco Office



Email: editor@gobanimonews.com