Tuesday, January 28, 2014

Burco: Badhasaabka cusub oo Xilkii la wareegay iyo Khudbadihii Munaasibada. Dhegeyso


 vlcsnap-2014-01-28-15h13m41s86Burco(GNA)-Badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer, ayaa xilkii kala wareegay Guddoomiyihii hore ee shaqada iska casilay Maanta.




Munaasibadda ay labada masuul xilka kula kala wareegeen oo ka dhacday Xafiiska Badhasaabka, waxa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka  arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Maayirrada Degmooyinka Burco iyo Berbera, xubno ka mid ah Guddoomiyeyaashii Gobolka Togdheer soo maray, Madaxdhaqameedyo, isuduweyaasha Wasaaradaha dawladda ee Gobolka, xildhibaano iyo marti sharaf kale.




Badhasaabkii hore Gobolka Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi, oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii sanadka ahayd ee  uu xilka hayay oo ahayd, waxaanu sheegay in mashaariic badan Gobolka laga fuliyay, kuwaasoo isugu jira kuwo dawladdu maal-gelisay iyo kuwo Hay’addo Caalami ahi taageero ka geysteen fulintooda.




“waxaan Gobolkan badhasaab ka ahaa muddo sanad ah, sanadkii afar maalmoodbaa ka dhiman, intii aan xilka hayay waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay, waxaanan aad ugu mahad naqayaa Golaha deegaanka Degmada Burco oo aanu wada shaqayn balaadhan naga dhaxaysay”ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi.




vlcsnap-2014-01-28-15h12m26s247




 



Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/xamaje-00406.mp3"][/audio]




Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha                cusub ee Gobolka Togdheer Maxamed Muuse  Diiriye, kaasoo ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Gobolka “Reer Burco iskuma cusbin, inkasta oo aan xil ka soo qaban, hadana meelo badan kolay waanu iska aragnay, Burco waa hooyadii Somaliland oo waa halkii Somaliland lagu aasaasay”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.




vlcsnap-2014-01-28-15h13m09s241




 



Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/diiriye.mp3"][/audio]




Wasiir ku-arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe oo xafladaasi ka hadlay, ayaa dar-daraan iyo talooyin u soo jeediyay labada Masuul ee xilka isku wareejiyay, isagoo amaan balaadhan u jeediyay Badhasaabkii hore, kan cusubna ku soo dhaweeyay wada shaqayn iyo gacmo furan.




Cismaan Garaad Soofe ayaa sidoo kale dadweynaha Reer Burco u soo jeediyay inay soo dhaweeyaan Masuulka cusub ee Gobolka loo soo magacaabay, isla markaana la shaqeeyaan.




Wasiir Soofe, ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqay inay ka waantoobaan qabyaalada iyo kala qaybsanaanta “reer Burco waxaan u soo jeedinayaa inay soo dhaweeyaan Masuulka cusub, kii horena si wanaagsan u sagootiyaan, anniga laftaydu reer burco ayaan ahaye, dhamaanteen waxa laynooga baahanyahay inaynu isku duubnaan muujino, oo aynaan kala qaybsanaan laynagu arkin”.




Waxa sidoo kale, Munaasibadaasi ka hadlay xubno isugu jira cuqaal, Siyaasiyiin , Xildhibaano, iyo Maayiradda Berbera iyo Burco, kuwaasoo Badhasaabka cusub ugu duceeyay inuu Ilaahay xilka u fududeeyo, kii horena ku bogaadiyay hawl-karnimadiisii shaqo iyo hufnaan Maamul.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Burco Office