Thursday, January 23, 2014

Burco: Dawlada hoose oo raashin dhacay qabatay


Burco(GNA)-Dawlada Hoose ee Burco ayaa saaka ku Guuulyasatay inay soo qabato laba Gaadhi oo nooca loo yaqaan dhaynaha, kuwaasoo sida Raashin dhacay.




Raashinka dhacay ee la qabtay, ayaa ah  Bariis Calaamadiisu tahay  PPP,kaasoo uu midabkiisu is bedelay una ekaaday Casaan Burbur ah.




Waaxda Fayadhawrka Dawlada Hoose ee Burco, ayaa qabashada raashinka dhacay ka dambeysay.




Xogahayha dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sh Cismaan oo Raashinkan dhacay iyo sida ay usoo qabteen  ka warbixiyay ayaa waxa uu yidhi'' shaqaalaha hayjiinta Dawlada Hoose ayaa soo qabtay raashinkan dhacay tirada shaqaalaha hayjiinta ahi waa toban xubnood,waana shaqaale la carbiyay waxaanan u carbinay Fayo dhawrka,waxaan leeyahay halala shaqeeyo,waad aragtaan oo raashinkan kalarkiisii ayaa isbedelay oo wuu casaaday,waana laba gaadhi,dhacdadani waa dhacdadii sadexaad ee aanu soo qabano,raashinkan waad aragtaan oo waxaa ku qoran oo leh Calaamada PPP ,waxaan leeyahay ganacsatada waxaas oo kale waa ka xaaraan iibka in qofku umadiisi ka iibiyo raashin  dhacay oo caafimaadka wax yeelaya




dadwaynahana waxaan ka codsanayaa in aad iska qabataan wixii caafimaadkiina waxyeelaya,cidii noo keenyta wax dhacay waaanu tix galinaynayaa,waxaad arkaysaa farmasi iibinaya dawadii xoolaha iyo kiniin is dulsaaran taasi waa wax yeelo,hada waxaa kale oo aanu halkan ku haynaa kiriim dhacay oo hadii qofka dumarka ahi is mariyo dubka wajiguba kasoo dhacayo waxaan leeyahay waxaas oo miidhan baa jira ee halayska ilaaliyo oo hanaloo soo sheego,




Xildhibaan siciid Axmed oo ka mid ah Golaha degaanka Burco kana tirsan waaxda Naadaafada ayaa isna dadwaynaha reer Burco,ugu baaqay inay iska ilaaliyaan waxyaabaha dhacay waxaanu yidhi''digniin culus waxaanu u diraynaa dadka iibinaya raashinka dhacay,iyo waxyaabaha kale,fayo dhawrku waa magaalada caafimaadkeeda,waan halbawle caafimaadku sidaas daraadeed waxaan leeyahay iska ilaaliya wax yaabaha dhacay,kuwaa waxaas ka ganacsanayana waar ilaahay ka baqa baan leeyahay.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office