Thursday, January 23, 2014

Xuseen B. Maax: Doorashooyinku Waa inay waqtigooda ku Qabsoomaan. Q.2aad


Qormadii hore waxa qalinku dul maray habka iyo qaababka uu dalkan Jamhuuriyada Somaliland ku gaadhay xasiloonida,nabada iyo dhismaha dawlad isu miisaaman qoraal ahaan balse fulinteeda si qaldan loo adeegsado.Waxa kale oo aan iftiimiyay baahida loo qabo in caqabadaha doorashooyinka fool xumada ku dihaadhan aynu ka dhilo si ay inoogu qabsoomaan doorashooyin quman.




 




Maantana intay-naan u gelin qabsoomida doorashooyinka waxa qalinku uu daaha ka rogayaa kurtimada ay ku kufaan awoodaha 3da waaxood ee lagu waday inay isu dheeli tirmaan.Markaynu dhab u eegno waaxda fulinta(Xukuumada) ee aynaan mucaarid-nimo iyo muxaafid-nimo ku faalayn ayaa fulintu awoodahii badi gosha ku sita.Hada aynu awoodahaa fulinta gosha ugu jira qaarkood tilmaano:




1.Garsoorka oo la filaayay inuu madaxbanaa-naado ayaa hoos taga




   waaxda fulinta.Sidaana waxa ka dhigay magacaa-bista




   gudoomiyaha maxkamada Sare/Dastuurka oo




   madaxweynahu isku koobay awooda magacaabista.




2.Hanti dhawraha qaranka oo isna la filaayay inuu madaxbanaa-




   naado ayaa ku dhacay gosha fulinta.Isna magacaabistiisa waxa




   ku keli-yaystay madaxweynaha.




3.Baanka dhexe ee qaranka oo sidoo kale ay ahayd inuu




   Madaxbanaa-naado ayaa ku jira gosha fulinta.Isna waxa awooda




   Magacaa-bistiisa iska yeeshay madaxweynaha.




 




Awoodahan oo ay ahayd in dastuurka lagu cadeeyo magacaabistooda in laysu dheeli tiro oo golaha sharci dejintu awooda la qaybsado madaxweynaha ayaa sababay hayska ka muuqda isu dheeli tirka awoodaha qaranka.Waana ta keentay inay fulintu(Xukuumadu)ka awood badato golaha sharci dejinta iyo waaxda garsoorka.Halkii la filaayay inay fulintu ku ekaato fulinta siyaasadaha guud iyo hagista maamulka dalka.




 




Sida caadada ah dawlad kasta oo hogaanka dalka hanata waxa looga baahan-yahay inay waxii innaga qabyada ah halkay marayaan ka sii amba qaado.Waxa laga filaayay golaha sharci dejinta inay dastuurka dib daraasad ugu sameeyaan oo qodobada aan waqtiga la jaan qaadayn oo lagu bedelo qodobo si ballaadhan u qeexaya ula jeedada ay ku aroorayaan.Ayaan darro golaha sharci dejintu waxay caqabad sii geliyeen qodobo badan oo dastuurka ku dhex jira ayay ka soo saareen ama ay ansixiyeen xeerar badi dano gaar ah laga lahaa,kana hor imanaya dastuurka sida xeerka doorashooyinka wakiilada xeer No.14,magacaabista 3da qodob ee aynu kor ku xusnay,sida xeerka doorashooyinka xildhibaanada degaanka xeer No.20.Qaladaadkan ayaa doorashooyinka ka dhigay kuwo loo maro musuq iyo boob.




La Soco…………




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL