Sunday, January 26, 2014

Cali-daacuun iyo Sooyaalka Siyaasadda Somalia.qaybtii5-6


CALI DAACUUN: SOOYAALKII  SIYAASADEED  EE  SOO  DHEXMARAY  MADAXWEYNIHII  HORRE  SHEEKH  SHARIIF+  FARMAAJO +  SHARIIF XASAN + CABDIWELI + FAROOLE + KAMPALA   ACCORD




QEYBTII 5-6-AAD




Waxaa loo dareeray doorashada Madaxweyne-nimada, 50% waxay noqdeen xildhibaanadii hore, oo si weyn u careysan, 50% kale, waxay noqdeen mudanayaal cusub, oo rumeystay wax la yiraahdo IS-BEDEL inuu dalka ka dhaco.




Ra’iisul-wasaarihii hore Cabdi-weli Cali gaas, wuxuu ku jiraa xod-xodasho siyaasadeed, oo ku waajahan mudanayaasha, balse ma aanu fahmin inuu laf cad toobin ku hayo, maxaa yeelay, meel kasta wuu ka dhaawacan yahay, wuxuuna ku ballan furay saaxiibkiis Sheekh Shariif, oo ka aqbalay Farmaajo inuu noqdo Cabd-weli Cali Gaas Ra’iisul-wasaaraha cusub, ee badali doona Farmaajo.




Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka laftiisu dab yar shidamaayo, oo waxa uu rabaa in cid kale loo looggo Maandeeq, balse aanu C/weli noqon Madaxweyne, maxaa yeelay ninkii kula dirira waa lala diriraa, sida uu aaminsan yahay Shariif xasan.




Cabdi-weli Cali Gaas marnaba burka kama filan bahal, sababta oo ah wuxuu isku duwaday Mudanayaal badan oo uu gacan bidixeeyay, wuxuuna ku tashaday Wareegga 1-aad inuu helo cod dhan 60-xubnood, si uu wareegga 2-aad u soo galo, nasiib darro himiladii Cabdi-weli waxay ku soo biyo shubatay biyo col dhaanshay. wuxuuna helay cod dhan in ka badan 30-xubnood, 40-na ka yar.




Guddoomiyihii Hore ee baarlamaanka, shariif Xasan sh. Aadan, markuu ogaaday natiijadii wareegga 1aad ee guul daridu kaga dhacday Cabdi-weli, Shariif Xasan wuu ilka caddeeyay, sidii wax qoslaaya oo kale. Waxaana u meel martay riyadiisii aheyd, yaan lagaa danbeyn.




Hase yeeshee weli waxaa masraxa loolanka ku soo haray Madaxweynihii hore sheikh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.




Guddoomiyihii hore ee baarlamaanku Mudane Shariif Xasan sh. Aadan, wuxuu markaa la xilfi yahay saaxiibkiis Sheekh Shariif Sh. Axmed, wax ka run ah ilaahey baa og.




Waxaa la galay Wareeggii 2aad, Madaxweynihii hore, wuxuu heystaa cod dhan 65, 64 midkood, isagaana hoggaaminaaya doorashada, Xasan Sheikh Maxamuud-na + Dam jadiid + Simad + Fahad Yaasiin Al-Jaziira + NGO-yada waxay heleen Wareeggii 1aad wax ka badan 59-cod, hoolka doorashada banaankiisa waxaa is qabsaday Gulufka, loolanka siyaasadeed oo qolo waliba ay dooneyso codka Cabd-weli iyo Codka Murashax C/qaadir Cosoble, waxaan filayaa in C/qaadir Cosoble uu codkiisii ku biiriyay Xasan Sheekh Maxamuud. Balse waxaa haray codadkii Cabd-weli Cali Gaas faq iyo gorgortan ka dib, waxaan maleynayaa inuu Cabdi-weli codadkiisii ku biiriyay Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo baadi goobaya in laga dhigo Ra’iisul-wasaaraha cusub, ileeyn tallo isuma kaa sheegto.  




Doorashadii way soo gaba-gabowday, waxayna guushu raacday Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisii Urur Diimeedka ahaa. Waxaana halkaa ku dhamaaday loolankii doorashada.




Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sh. Axmed, si aan lagu arag afrikaanka ama dhaqanka Soomaalida ayuu u aqbalay natiijadii ka soo baxday sanaadiiqdii doorashada.




QEYBTII 6-AAD




Waxa cad in Mudane Cabd-weli Cali Gaas, oo hadda ah Madaxweynaha Maamulka Punt-land, inaanu ka raja dhigin Madaxweyne-nimadii dalka Soomaaliya. si weyn ayuu isu soo abaabulay kolkii uu waayay jagadii Madaxweyne-nimada Soomaaliya, wuxuuna rumeysan yahay inuu meel cad kaga dhaqaaqay Ra’iisul-wasaare-nimadiisii hore, waana muuqataa inuu ku ciil qabo siyaasiyan, maxaa yeelay wuxuu dib ugu laabtay deegaankii Punt-land inuu iska soo sharaxo, bal CV-giisa eeg, FROM Ra’iisul-wasaare TO Madaxweyne Maamul Goboleed, halkaas ayey ka cadahay inaan hankiisii aanu dhiman ee uu nool yahay.




Ma filaayo inuu Cabdi-weli wax ku soo biirin doono Maamul goboleedka Punt-land, maxaa yeelay waxa uu wax ku soo biirin lahaa dowladdii uu ka ahaa Executive Power (Prime Minister).




Qofku inuu han yeesho waa xaq, inuu damac iyo dacar yeesho waa loo baahan yahay, qoraalkani ma niyad jebinaayo Cabdi-weli, balse wuxuu iftiiminayaa Sooyaalkii Taariikheed  ee Cabdi-weli.




Waxaan rabaa inaan qoraalkeygan ku iftiimiyo Madaxweynaha Punt-land Cabdi-weli Cali Gaas waa kuma?




Murti ayaa oraneysa (dad yaa yaqaan?), jawaabtu waxay noqotay, waxaa yaqaa NIN U TALIYAY IYO NIN TUUGAY, qoraaga qoraalkan qoray Cabdi-weli wuu tuugay, yaa ka badiya?? Waxaan qabaa inaan qofna iga badin.




Mudane Cabdi-weli Cali Gaas ma aha nin qaran, mana aha nin qabiil, EE WAA NIN QOYS, mana filaayo inuu caqabadaha maanta hor-yaalla inuu ka gudbi karayo. tan 1aad waa KHAATUMO STATE, tan 2aad waa GAL-MUDUG STATE, tan 3aad waa DOWLADDA FEDERAALKA AH, tan 4aad waa PUNT-LAND GUDAHEEDA, intaas oo caqabadood iyo kuwa qarsoon, ayaa ku soo fool leh oo hor yaalla mudane Cabdi-weli Cali gaas.




Si kastaba howlla kaa-caa-kufee, hadda waa Madaxweynihii Punt-land, rajo weyn kama qabbo inuu wax ku daro wixii uu Faroole ku wareejiyay, waxaase guul noqon doonta, mudada uu xilka hayo haddii ay nabad ugu dhamaato Punt-land.




Yooyootanka warbaahinta ee ay is-dhaafsan doonaan dowladda Federaalka ah iyo Cabdi-weli ayaa innagu qaadan doonta muddo dheer, waxaana laga yaabaa in Madaxweynaha Punt-land uu dhaawac badan u geysto dowladda federaalka ah, aakhirkana ay noqoto hala sameeyo waxa loogu yeeray ROAD-MAP cusub, ama xeelad kale oo ka duwan tii hore, waxaanse hubaa in qeyladu ay badan doonto, oo tii Faroole ay noqon doonto I QARSO.




Muranka siyaasadeed ee Cabd-weli, wuxuu ku biyo shuban doonaa SOOMAALI-LAND, wuxuuna oran doonaa dad aanu isku isir nahay, ayaa Laas-Caanood deggan, ee waa inay ka baxdaa Soomaali-land.




Waxaa aad u qosli doona Maamulka Khaatumo, oo mar hore isku tashaday, sameystayna maamul, maxaa yeelay umadda Reer Khaatumo si cad ayey u sheegeen inay yihiin Maamulka Punt-land dad deris ah, oo ay xuduudu u dhaxeyso, Cabdi-welina caqabad bay ku noqoneysaa; maxaa yeelay laas caanood WAA BRIDGE u dhaxeeya Koonfur iyo Soomaali-land, waxayna fahmeen Reer Khaatumo in gacantooda ay ku jirto Waslad dahab ah, oo aanay rabin in cid kale ka faa’iideysato kheyraadkaa khaatumo gacanta ugu jira, waxeyna rumeysan yihiin Maamulka Khaatumo inay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.




la soco qeybta 7-aad ………………………




LA SOCO QEYBTA 7-AAD………………….