Thursday, January 23, 2014

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Waxyaabihii Ay Qoreen Wargeysyada


Wargeysyada263Suuqa kala iibsiga qaarada Yurub ayaa galay maalintiisii 22-aad, waxaana ka harsan 9 maalmood, isagoo si toos ah u xirmi doona 1-da Febraayo ee sanadkaan, Waxaana idiin soo turjumnay wararkii ugu dambeeyay oo xiiso gaar ah leh maanta waana maalin arbaco ah.




 




Shabakadda Hiilkubad Masuul kama ahan xaqiiqda Wararkaan, sheeko walbana waxaa ku horyaala Cida iska leh xuquuqda wararkaan.




 




Horyaalka Premier League




 




Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay 25 milyan oo ginni kula soo wareegto weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney, oo 28 jir ah, xagaaga marka uu galo sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa. (Daily Telegraph).




 




Xiddiga heerka caalami ee dalka England Rooney ayaan qandaraas cusub u saxiixi doonin United xittaa haddii ay lasoo saxiixato kubad sameeyaha Chelsea Juan Mata, oo 25 jir ah. (The Sun).




 




Manchester United ayaa diyaar u ah inay jebiso rikoorkeeda suuqa kala iibsiga iyadoo 37 milyan oo ginni ku dalbaneysa xiddiga qadka dhexe ee reer Spain Mata, laakiin Chelsea ayaa ku fikireysa inay madaxiisa duldhigto 40 milyan oo ginni xilli ay 23.5 milyan oo ginni 2011kii uga soo iibsatay Valencia. (The Times).




 




Atletico Madrid ayaa rajeyneysa inay United ka afduubato saxiixa Mata iyadoo ku dalbaneysa weeraryahanka bartilmaameedka u ah David Moyes Diego Costa, oo 25 jir ah, iyo daafaca dambeedka midig ee dalka Brazil Filipe Luis, oo 28 jir ah, haddii ay Red Devils soo afjarto xiisaha ay u qabto qadka dhexe ee Chelsea. (Daily Telegraph).




 




Arsenal ayaa Lukas Podolski ku dari doonta heshiiska 35 milyan oo ginni ah oo ay kula soo saxiixaneyso 20 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Schalke Julian Draxler. (The Sun).




 




Arsenal ayaa hamineysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka Benfica ee Rodrigo. Laakiin tartan ku aadan saxiixa 22 jirkaan ayey kala kulmeysaa kooxaha Valencia iyo Zenit St Petersburg. (Daily Express).




 




Arsenal ayaa qarka u saaran inay qandaraas cusub ka dalbato 33 jirka qadka dhexe ee dalka Czech Tomas Rosicky oo ay xiiso u qabto Bayern Munich. (Daily Mirror).




 




Lille ayaa diiday dalabkii ay kooxda Sochaux usoo dirtay daafaca dambeedka midig Sebastien Corchia, kaas oo ay sidoo kale dooneyso Arsenal. 23 jirkaan ayaa kooxdiisa kula jira qandaraas ilaa 2015ka ah laakiin wuxuu ka dhawaajiyey inuu u dhaqaaqayo koox weyn oo ka ciyaarta Yurub. (Talksport).




 




Xiddiga qadka dhexe ee dalka Republic of Ireland Wes Hoolahan, oo 31 jir ah, ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago Norwich City, inkastoo ay kooxdiisu diiday dalabkii uu ku codsaday inay iibiso. (Eastern Daily Press).




 




Canaries ayaa la fahamsan yahay inay miisaameyso lasoo wareegitaanka daafaca kooxda Lazio iyo xulka France Michael Ciani, oo 29 jir ah. (Talksport).




 




Daafaca dambeedka dhexe Joleon Lescott, oo 31 jir ah, ayaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago Manchester City ka hor dhamaadka bishaan haddii tababare Manuel Pellegrini uu suuqa kasoo helo bedelkiisa. (The Guardian).




 




Daafaca Bayern Munich Dante, oo 30 jir ah, ayaa sheegay inay xiiso u muujisay Manchester United iyadoo dooneysa inay lasoo saxiixato bishaan January. (Manchester Evening News).




 




Si kastaba ha ahaatee, wakiilka daafaca reer Brazil ayaa beeniyey inay heshiis la gaareen United, isla markaana wuxuu sheegay in qorshaha ugu horeeya ee Dante uu yahay inuu heshiis cusub la gaaro Bayern. (Sky Sports).




 




Stoke City ayaa ku dhow inay 5 milyan oo ginni kula soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee kooxda Sunderland Lee Cattermole, oo 25 jir ah. (Stoke Sentinel).




 




Potters ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay dib ugu yeerato Cameron Jerome, oo 31 jir ah, oo amaah kula jooga Crystal Palace haddii ay ku guul darreystaan inay lasoo saxiixdaan weeraryahan kale ka hor dhamaadka bishaan. (Stoke Sentinel).




 




Newcastle ayaa ku hami weyn inay heshiis amaah ah kula soo wareegto gooldhaliyaha Borussia Monchengladbach iyo xulka Holland Luuk de Jong, oo 23 jir ah. (Newcastle Journal).




 




Heshiiskaan ayaana laga yaabaa inuu dhaco ka dib markii kooxaha reer Holland ee Ajax iyo PSV Eindhoven ay ka bexeen xiisihii ay u qabeen De Jong. (Newcastle Chronicle).




 




Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa sheegay inuu doonayo inuu goolhaye Thibaut Courtois, oo 21 jir ah, ku iibsado qiimo walba oo ay Chelsea duldhigto marka uu heshiiskiisa amaahda ah soo afjarmo dhamaadka xilli ciyaareedkaan. (Daily Express).




 




Liverpool ayaa ka fikireysa inay heshiis amaah ah ku dalbato xiddiga qadka dhexe AC Milan Nigel de Jong, oo 29 jir ah, iyadoo u aragta bedelka xiddiga dhaawaca jilibka ah soo gaaray ee Lucas Leiva, oo 27 jir ah. (The Independent).




 




Sporting Lisbon iyo Juventus ayaa xiiso u qaba saxiixa garabka kooxda Manchester United Nani. (Daily Mirror).




 




Horyaalka Bundesliga




 




Tababaraha Manchester United David Moyes ayaa soo daawan doonay weeraryahanka Borussia Monchengladbach Max Kruse kulanka ay wajahayaan Bayern Munich. (Daily Telegraph).




 




Horyaalka La Liga




 




Goolhaye Marc-Andre ter Stegen ayaa u socda Barcelona isagoo ka tegaya kooxdiisa Borussia Monchengladbach, waxaa uu heshiiskaani ku dhici doonaa 11.5 milyan oo euros. (Bild).




 




Horyaalka Talyaaniga




 




Inkastoo ay xiiso u qabto PSG, AS Roma ayaan iibin doonin Miralem Pjanic, madaxweyne James Spalletta ayaan dooneyn inuu ciyaaryahankiisa ka iibiyo kooxda reer France wuxuuna bedelkeeda ka saxiixanayaa qandaraas cusub. (L’Equipe).




 




Lazio ayaa xiiso u qabta weeraryahanka Juventus Mirko Vucinic, laakiin 30 jirkaan ayaa iska diidi kara fursadaan maadaama uusan dooneyn inuu ku biiro kooxda ugu weyn ee ay xafiiltamaan naadigiisii hore AS Roma. (Tuttosport).




 




Philippe Mexes ayaa ku guul darreystay inuu kasoo mid noqdo ciyaartoyda AC Milan ee wajaheysa Udinese, waxaana la rajeynayaa inay kooxdu iska iibiso. (Tuttosport).




 




Inter Milan ayaa weli ka fikireysa inay lasoo wareegto xiddigo qadka dhexe ah, kubad sameeyaha Lazio Hernanes ayaana ugu sareeya liiskooda, laakiin Andrea Ranocchia ayaa laga yaabaa inay iska iibiso kooxda ka dhisan San Siro ka hor inta aysan wax ciyaaryahan ah lasoo wareegin. (La Gazzetta dello Sport).