Thursday, January 23, 2014

Madaxweynaha Somalia oo xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee NRC.



Muqdisho, 22 Janaayo, 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud IMG_9431ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Norwegian Refugee Council (NRC) Mr Jan Egeland.




Xoghahaya Guud ee NRC waxaa ku wehliyey booqashadan Magnhild Vasset oo ah Agaasimaha mashaariicda caalamiga ah ee NRC iyo Xasan Kheyre oo ah Madaxa Geeska Afrika ee NRC.




Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa booqashadiina aad ku timaadeen dalka Soomaaliya, iyo howlaha muhiimka ah ee aad u heysaan shacabka Soomaaliyeed, ha noqoto dhanka waxbarashada, qaxootiga iyo mashaariicda kale ee aad ka fulisaan dalka Soomaaliya. Waxaana idinku boorinayaa inaad kaalin weyn ka qaadataan barnaamijyada dowladda sida kan waxbarashada oo la doonayo in hal malyan oo carruur ah ay tagaan Iskuulada, dib u soo celinta qaxootiga iyo sidii qaxootiga dalka gudihiisa ku barakacay loogu celin lahaa guryahooda oo ay u heli lahaayeen hoy tayo leh, caafimaad iyo waxbarasho iyo shaqo.”




Xoghayaha Guud ee NRC ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kordhiyaan dadaalada iyo kaalmada ay gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed, ujeedadooduna tahay sidii caruurta, haweenka, waayeelka iyo shacabka ay u heli lahaayeen fursado geliya rajo oo ay dalka dib ugu dhisaan isla markaana ay uga maarmaan kaalmada dibedda.




Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegey in dalka Soomaaliya uu yahay qani, heystana kheyraad fara badan oo marka dalku xasilo ay Soomaalidu fursad u helayaan ay kheyraadkooda soo saartaan taasoo keenta dalka oo noqdo barwaaqo iyo bashbash.
-





 



IMG 9458