Monday, January 27, 2014

Gudoomiyihii xisbigga mucaaradka Ucid ee wadanka Finland Axmed Maxamed Faarax (Shiine) oo xilkii iska casiley


cidHelsinki 27.01.2014 (GNA) -Gudoomiyihii xisbigga mucaaradka Ucid ee wadanka Finland Axmed Maxamed Faarax (Shiine) ayaa sheegay inuu iska casiley xilkii guoomiyenimo ee uu u hayey xisbigga mucaaradka ee Ucid.
Gudoomiyaha oo qoraal kooban warbaahinta usoo gudbiyey, ayaa sheegay inuu u mahadnaqaayo xubnaha la soo shaqeeyey muddadaa dheer ee uu xilka gudoomiyenimo u hayey xisbigga mucaaradka ee Ucid laantiisa dalka Finland, waloow aanu gudoomiyuhu xusin ujeedadda dhabta ah ee uu xilka gudoomiyenimo iskagga casiley. Hadalkiisii oo kooban wuxuu u dhignaa sidatan:




Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan bulsha weynta reer Somaliland, aniga oo ah Axmed Maxamed Faarax (Shiine) oo ah gudoomiyihii xisbigga mucaaradka Ucid ee wadanka Finland.
Waxaan halkan ka cadeynayaa inaan iska casiley xilkii guoomiyenimo ee aan u hayey xisbigga Ucid ee wadanka Finland.
Waxaan u mahad celinayaa dhamaan xubnaha Ucid ee wadanka Finland muddadi aan so wada shaqayney intii aan xilka hayey sanadii 2007 ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27.01.2014.




 




 




 




GobanimoNews Agency