Thursday, January 23, 2014

Madaxweynaha & raysalwasaaraha ayaa ka qeybgalay casho sharaf uu gudoomiyaha baarlamaanka u sameeyey xildhibaannada


IMG_9832-125x90Muqdisho{GNA}Waxaa habeenkii xalay lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa munaasabad casho sharaf ah oo qeyb ka aheyd xeritaanka Kalfadhiga 3aad ee golaha Shacabka .




Xafladda ayaa aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay,waana mid gudoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu u sameeyey xIldhibaannada golaha Shacabk,




Waxaa kasoo qeybgaleen madaxweynaha Jamhuuriyadda, raysalwasaaraha xukuumadda, gudoomiyaha maxkamadda Sare ee dalka, inta badan xubnaha golaha wasiirrada, xildhibaanno,taliyeyaasha ciidammada qaarkood, howlwadeennada golaha Shacabka iyo marti sharaf kale.






Bilowgii munaasabadda waxa uu gudoomiyaha golaha Shacabka u fasaxay dhammaanba madaxdii ka qeybgashay iney si toos ah usoo bandhigi karaan dhaliillaha jira si wax looga qabto waxaana furitaankii ka hadlay goobta xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo iyagu ka sheekeeyey marxaladihii lasoo maray kalfadhigii 3aad ee baarlamaanka waxaana ay Xildhibaannadu uga mahad celiyeen gudoomiyaha baarlamaanka casho sharafta uu u sameeyey.




Wasiirka wasaaradda warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow iyo wasiirka wasaaradda haweenka iyo hormarinta xuquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaguna khudbaddo kooban ka jeediyey xafladda ayaa u mahad celiyey xIldhibaannada iyo gudoonka golaha shacabka waxaana ay ku booriyeen xildhibaannada iney joogteeyaan la xisaabtanka Xukuumadda.




Raysalwasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isaguna khudbad kooban ka jeediyey goobta, waxa uuna mahad celin iyo hambalyeyn uu baarlamaanka ugu jeediyey qaabkii ay waajibaadkooda u guteen waxa uu sidoo kale ka hadlay tallooyin ay xildhibaanadu soo jeediyeen uu u badnaa qorshaha golaha wasiirrada, waxaana uu raysalwasaaraha ballan qaaday in xubnaha golaha wasiirrada xafiisyadooda iyo deegaanadooda caasimadda oo idil lagu baahin doono oo aysan degmooyin gaar ah ku shaqeyn doonin.




Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Abukaate Ceydiid Ilkaxanaf oo isaguna khudbad kooban ka jeediyey dhankiisa Munaasabadda ayaa xusay inuu aad ugu riyaaqay sida tooska ah ee ay xildhibaannadu u kaftamayeen isla markaana isugu soo bandhigayeen dhaliillaha jira waxaana uu gudoomiyaha Maxkamadda Sare guubaabiyey hirgelinta isla xisaabtanka ee ay ballan qaadeenXukuumadda iyo Baarlamaanka.




Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo munaasabadda soo xiray ayaa u mahad celiyey xildhibaannada golaha Shacabka waxaana uu gudoomiyaha xildhibaannada u rajeeyey mudada fasaxa ah ee ay heystaan iney si dhab ah usoo ogaadaan baahida ay qabaan shacabka ay metelaan ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka Dalka.
Xafladda ayaa kusoo idlaatay jawi farxad iyo isku hambalyeyn ah waxaana intii ay socotay suugaan wadani ah iyo majaajilooyin ka qosliyey dhammaanba ka qeybgalayaasha kusoo bandhigay fanaaniinta hobollada Qaranka ee Waaberi