Saturday, January 25, 2014

Rabshado ka socda magaalada Qaahira iyo Qaraxyo ay ka dhaceen


Cairo-Violence-400x220Xaaladda magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa aad u kacsan afar iyo labaatanki saacadood lasoo dhaafay, iyadoo ay ka dhaceen qaraxyo.




Labo qarax ayaa maanta oo sabti ah gelinkii hore ay ka dhaceen magaalada iyadoo shalay oo jimce ahayd qarax lala beegsaday saldhiga ugu weyn ee Booliska uu sababay dhimasho iyo dhaawac.




Waxaa jira banaanbaxyo ay dhigayaan dadweyne careysan oo kasoo horjeeda Dowladda Milateriga ah.




Arrimahan oo dhan ayaa kusoo beegmay sanadguuradii saddexaad markii kacdoon xukunka lagaga tuuray Madaxweynihi hore Xusni Mubaarak.




Masar oo sanad kadib ay doorteen Madaxweyne si dimoqraadiyad ayaa xukunka waxaa isna ka tuuray Milateriga, waxaana tan iyo waagaas xaaladda wadanka uusan deganayn




GOBANIMO NEWS.