Wednesday, January 1, 2014

Somalia: Qurbo-joogta oo ka walaacsan hanjabaado uga yimi Al-shabaab iyo Dawladda oo cabsi geliyay


Tarsan iyo Sheikh Cali Maxamed oo eedeymo isku mida u jeediyay Qurbo-joogta u soo hiloobay dalkooda




Muqdisho(GNA)-Qurba-joogta ka kala timid Maraykanka iyo qaarada Yurub ee ku sugan magaalada Muqdisho oo tiradooda lagu qiyaasay kumanaan ayaa waxaa soo wajahday xaalad adag oo dhinaca amaanka ah ka dib markii ay hanjabaad adag uga timid kooxda Al-shabaab.




Shiikh Cali Maxamed Xuseen gudoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir ayaa sheegay iney beegsan doonaan qurbajoogta ku sugan Muqdisho qaarkood oo uu ku eedeeyey iney u shaqeeyaan gaalada isla markana ku soo kordhiyeen caasimada fasahaad iyo dhaqamo lid ku ah shareecada Islaamka.




 “Gaalada iyo qurba joogta isku mid ayaan ula dagaalameynaa waayo waa isku hadaf, gaaladu wadanka ayey xoog ku maamuleysaa, qurba joogta qaarkoodna dhaqanka gaalada iyo fasahaadka ay ka soo barteen meelaha qurunka ah ee ay ka yimaadeen ayey dalka keeneen, waxba kuma kala duwana” ayuu intaa ku daray Cali Maxamed Xuseen.




Dhowrkii sano ee u dambeysay tan iyo markii laga saaray Al-shabaab magaalada Muqdisho waxa caasimada ka socday howlo dib u dhis ah oo balaaran iyo ganacsi xoog leh oo intiisa badan ay abuureen dad lacag fara badan wata oo ka yimid qurbaha.




Qurbo joogta ayaa Maal-gashi balaadhan ku sameeyay goobo fara badan oo ku yaala Magaalada Muqdisho, siiba agagaarka xeebta Liiddo.




Qaar ka mid ah qurba joogtaas dalka ku soo laabatay ayaa hirgeliyey hotelo la sheego in qaar ka mid ah muusik laga ciyaaro, khamrigana lagu iibiyo, maqaayado waaweyn oo iyana qaarkood laga cuno raashiinka reer galbeedka, shirkado gaadiidka raaxada ah keenay iyo carwooyin waaweyn oo ganacsi.




Meelaha sida aadka ah ay u camireen ayaa  qaarkood Al-shabaab  dhowr jeer ka fulisay qaraxyo.




Gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan ayaa eedeyn kulul u jeediyay  qurbo joogta,  isagoo sheegay inaan loo dulqaadan doonin dhaqamada ka baxsan shareecada Islaamka ee ay dalka la soo galeen.




Qaar ka mid ah qurba joogta ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo jeedinayo, iyagoo sheegay iney la yaaban yihiin hanjabaadaha soo gaaraya.




Qurbo joogta ayaa  ku andacoonaya  in iyagoo ku nool meelo ka nolol iyo amni wanaagsan caasimada ay u soo bareereen iney dalkooda ku soo laabtaan maalgeshina ka sameeyaan si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska iyo bilicda caasimada.




Dad badan ayaa dib u soo laabashada Qurbo-joogta labadii sanadood ee ugu dambeysay ku soo qul-qulaya dalka ku tilmaamay calaamad muujinaysa nabad-gelyada iyo xasilooni dalku ku soo noqonayo, hase ahaatee hanjabaadahan uga imanaya dhinacyada ku dirirsan Gobolka banaadir ayaa u muuqata mid walaac badan ku keenaysa Mawaadiniinta haysta dhalashooyinka shishiyeeye(Qurbo-joogta).




Arrintan ayaa baajin karta in qaar badan oo qurbaha ka soo hiloobi lahaa cabsi darteed uga baaqdaan imaanshiyaha waddankooda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com