Tuesday, December 31, 2013

Somaliland: Haweenay Soddoh ah oo Shahaadada Master-ka ka diyaarinaysa Jaamacad.Dhegeyso


Ubax Cumar Gaafane waxay Shahaadada Degree-ga ee Sharciga qaadatay sanadkan 2013, waxaanay Haweenka somaliland u soo jeedisay..




Hargeysa(GNA)-Ubax Cumar Gaafane waa  Haweenay aad u da’ weyn oo dhawaan ka qalin jabisay Jaamacadda Alpha qaybteeda somaliland ee Magaalada Hargeysa.




Waxay shahaadada Digree-ga  ka qaadatay  kuliyadda Sharciga ee Jaamacada Alpha sanadkan 2013,waxaanay xalay goob joog ka ahayd  Xaflad lagu qabtay Hudheelka Sumar-time oo Maamulka Jaamacadaasi u sameeyay Aqoonyahan Prof, Axmed Ismaaciil Samatar oo ku guddo jira kulamo uu la yeelanayo Ardayda jaamacadaha waddanka.




“Haweenka reer Somaliland ee aan waxbarasho helin iyo kuwa waxbarashadoodu kala kala dhantaalantay waxaan u soo jeedinayaa inay wax bartaan, oo aanay ka hadhin barashada cilmiga, masuuliyad kasta oo saaran”ayay tidhi Ubax Gaafane.




Ubax ayaa ah sida ay sheegtay Ayeeyo Caruurteedu ubad leeyihiin, hadana ku tabaniyaysa inay aqoonteeda Maadiga ah kordhiso, waxaanay diyaarinaysaa hada shahaadada Masterka 1-aad ee Jaamacadda.




Dedaalka iyo firin firconida ka muuqata ayaa ugub ku ah Haweenka Somalida badankooda, siiba kuwo dalka ku nool, kuwaasoo aan isku hawlin inay waxbartaan, balse inta badan heegan ugu jira inay ubadkooda waxbarashada ku ilaaliyaan.




Dhanka kale, waxay ka warantay sooyaalkeedii waxbarasho ee Jaamacadda iyo sidii ay heerkan ku soo gaadhsiisay.




“Aqoonta Barigii hore Dumarka Reer Xamarku way noogu faani jireen oo waxay odhan jireen annagu annagoo yar yar ayaanu Jaamacaddaha ka baxnaa, taas waxa sabab u ahayd Jaamacadaha ayaa Muqdisho ku yaalay, dee gabadha reer Hargeysina inay Muqdisho Jaamacad u tagaa aadbay u adkayd, laakiinse maanta tii waa laga baxay oo Hargeysa ayay Jaamacadihii dhami ku yaalaan, oo aynu ka baran karaynaa”ayay hadalkeeda Raacisay Ubax.




Hadal dheer oo ay ka jeedisay Xafladda ayay nuxur ahaan hadalkeeda ku soo uruurisay inay aqoontu tahay Iftiinka nolosha, waxaanay dhalinyarada iyo Haweenka dalka u soo jeedisay inay u istaagaan barashada Cilmiga oo aanay ka caajisin.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Ubax.mp3"][/audio]




Khadar Maxamed Xaashi




Gobanimonews Office




Email: editor@gobanimonews.com