Hargeysa [GNA]- Wasiirka Arimaha Guddaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aan ka soo xaadirin xafiiskiisa, ka dib markii uu shaqadii uu qaranka u hayey uu kaga mashquulay olole siyaasadaysan, abaabulida iyo kicinta kooxo madax-dhaqameedyo ah oo u jajaban amaraddiisa.
Wasiir Waran-cadde oo ku caan-baxay guul-wadaynta Madaxweyne Siilaanyo, maadaama oo uu yahay siyaasi u shaqeeya Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xilka qaranka u magacaabay, ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa uu shaqadii uu ummadda u hayey kaga mashquulay sidii uu uga hortagi lahaa siyaasadda khaterta ah iyo taageeradda marba marka ka sii dambaysa ee sii xoogaysanaysa ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI dalka ku yeelanayo. Taasoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si weyn uga sasan tahay, isla markaana hore uu ugu canaantay Madaxweyne Siilaanyo wasiiradda badan ee ay isku beesha yihiin Guddoomiye Cirro, Cali Waran-cadde-na ka mid yahay inay ka hortagaan siyaasadda iyo qorshayaasha uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ku hawlan yahay wakhti-yaddan.
Iyadoo arimuhu sidaas yihiin ayuu Wasiir Cali Waran-cadde hadda bilaabay inuu fuliyo amaradii laga soo siiyey qasriga Madaxtooyadda, waxaana bar-bilow uga dhigay dagaalka cad ee uu ku qaadayo ama uu kaga hortagayo taageeradda sida xawliga ah ku socota ee xisbiga WADDANI. Inuu koox madax-dhaqameedo ah oo uu waxoogaa kharashana uu uga soo qaaday Madaxtooyadda uu ku yidhi ka hadla warbaahinta oo waxaad tidhaahdaan waanu ka soo hor-jeednaa arimaha qabyaaladda ah ee dalka ka socda, taasoo uu ula jeedo shirar doceedyadda ka socda magaaladda Hargeysa ee ay yeelanayaan beelaha Habar-magaado oo aanu wax shaqo ah ku lahayn abaabulisteeda xisbiga WADDANI iyo hogaankiisu toona. Balse ay xukuumaddu iyadu aaminsan tahay inuu xisbiga WADDANI dabadda ka riixayo. Iyadoo arimahani cadayn u tahay sababta uu Madax-dhaqameedka isku reerka yihiin uga hadliyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], waa Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.
Kooxdan Madax-dhaqameedka ah oo uu horkacayey Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ayaa dhammaantoodba ahaa beesha Habar Yoonis, taasoo ceeb iyo meel ka dhac ku ah sumcadooda iyo shareftoodba, maadaama oo ay qaateen talladii iyo maangaabnimadii gaabnayd ee Wasiir Waran-cadde u soo laqimay, isla markaana ay ceeb ugu soo jiideen beel-weynta Habar Yoonis ee ay matalaan, maadaama oo ay beeshu la mid tahay beelaha kale ee reer Somaliland, isla markaana ay iyadu si gaar ah u waddin shirarka iyo duufaanadda siyaasadeed ee qaar ka mid ah beelaha Habar-magaado ka waddaan guddaha dalka. Taasoo dad badanina ay u arkaan inay keentay nidaamka qabyaaladaysan ee ay xukuumadda Siilaanyo dalka u maamulayso iyo waliba burburka ku yimid xisbi xaakimka KULMIYE oo hogaamintiisa madaxa iska duubtay beesha Madaxweyne Siilaanyo. Wakhti xaadirkana ay u muuqatay fashilka iyo guul-darro baahsan oo uga soo hoyata doorashooyinka soo socda.
Dhanka kale, tallaabadan uu Wasiir Waran-cadde ku dhaqaaqay, ayaa noqonaysa mid cadaysay sida uu u maangaaban yahay, isla markaana uu uga baqayo inuu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaado, waa haddii uu si cad uga hor iman waayo taageeradda xoogan ee xisbiga mucaaradka ee WADDANI ku yeelanayo guud ahaan dalka oo dhan, gaar ahaan beesha ay ka soo wadda jeedaan isaga iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Laakiin maaha tallaabo marnaba wax u dhimi karta taageeradda sii kordhaysa ee xisbiga WADDANI ku yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland