[caption id="attachment_92410" align="alignleft" width="300"]
Wasiir u dawlihii Arr. dibada uk[/caption]London(GNA)-Wasiir u dawlihii Arrimaha Dibada ee Dawladda Ingiriiska ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqday inay iska casishay Xilkaasi, xilli uu bil ka hor Wasiirkii waaxdaas ee UK Wiliam Hague isna uu is casilay.[caption id="attachment_92415" align="alignleft" width="300"]
British Minister[/caption]
Wasiir u dawlaha Waaxda Arrimaha Dibada ee Xukuumada David Cameroon oo ahayd Haweenay Muslim ah, go’aanka iscasilaaddeeda ku sababaysay kaddib markii sida ay sheegtay Siyaasadda Arrimaha dibada ee Dawladda UK fadhiid noqotay, isla markaana mawqif ka qaadan wayday waxa ay ugu yeedhay Xasuuqa loo geysanayo Dadka falastiin ee marinka GAZA.
Sayeeda Warsi oo ah haweeynadii ugu horaysay ee Xil wasiirnimo ka qabata dawladda Ingiriiska ayaa maanta waraaqda iscasilaada u gudbisay Aqalka looga arrimiyo Ingiriiska, waxaanay ku sheegtay war kooban oo ay Warbaahinta dalka siisay inay London lumisay doorkii ay ku lahayd dhacdooyinka caalamka ka dhacaya.
Waxa ay tilmaantay inaanay cambaareyn xukuumadda ay ka tirsanayd gumaadka ka socda GAZA oo ah waxaan indhaha laga qarsan Karin, isla markaana ay ixtiraami wayday Xuquuqda aadamaha.
Dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda faaqida ee dalka Uk, ayaa talaabadan ku tilmaamay mid saamayn ku yeelanaysa siyaasadda dawladda David Cameroon ee khaarajiga, iyo waliba xataa xulada reer Galbeedka oo aanay damqeyn Dhiiga Shacbiga Falastiin ee Yuhuudu daadinayso.
Waa masuulkii ugu horeeyay ee Muslim ah ee xil uu ka hayay mid ka mid ah Dawladdaha Maraykanka Saaxiibka la ah iska casila, taasoo dhinaca kale noqonaysa arrin dood ka abuuri karta bulshooyinka reer Galbeedka.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com