Burco(GNA)-Waxa caawa xabsiga Magaalada Burco loo taxaabay askar ka tirsan Ciidanka Bilayska ee Magaaladaas, kuwaasoo maanta warbaahinta ka gudbiyay cabasho ka dhan ah dawladda hoose ee Magaalada oo ay ku eeddeeyeen inay ka rarayso Dhul ku yaalla xayndaabka saldhiga ee xaafadda shacabka.
Askarta la xidhay ayaa tiradooda lagu sheegay 7 askari oo dhamaantood bilays ah, kuwaasoo sida muuqata lagu eeddeeyay inay anshaxa Ciidannimo ku xad-gudbeen.
Mid ka mid ah Askartaasi ayaa ah Haweenay Bilayska ka tirsan
Waxa ay Telefishanka ka soo muuqdeen iyagoo dirayskii ciidanka ku lebisan “ madaxweyne waxaanu qaranka ugu adeegnaa annagoo aan haysan wax daryeel ah” sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay mid ka mid ah Askarta oo lebisan.
“waxaan haystaa 16 Caruur ah dhul aan dego ma haysto, waxaan ku hayaa oo aan degenahay dhulkaa dawladda hoose iibinayso, markaa madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa inaad arintaa wax ka qabato”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Magacyada askarta:
1- Cabdirisaaq Aadan
2- Saalax Aw Nuux
3- Sakariye Axmed
4- Maxamed Cabdi Axmed
5- Ina Faje
6- Aamina Axmed
7- Ismaaciil Deero
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska guud ee Ciidanka Bilayska iyo qaybta Gobolka oo la xidhiidha xadhiga Askartan,iyadoo Taliyaha qaybta Bilayska oo Gobanimonews la xidhiidhay ka jawaabi waayay telkiisa gacanta.
Sidoo kale Madaxda dawladda hoose ee Burco ayaan iyagu wax jawaab ah ka bixin eeddaha askartaasi u jeediyeen iyo xadhigooda oo lala xidhiidhinayo.