Friday, August 15, 2014

Taliyihii Sirdoonka Kenya oo Iscasilay


[caption id="attachment_93080" align="alignleft" width="240"]weerarkii west gate oo saameyn ku yeeshay sarkaalkan weerarkii west gate oo saameyn ku yeeshay sarkaalkan [/caption]Nairobi(GNA)-Taliyihii waaxda Sirdoonka Dalka kenya Michael Gichangi,ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay Khamiistii shalar inuu xilkaas  iska casilay sababo shakhsi ah.




 Michael Gichangi, ayaa weydiistay istiqaalad Madaxweyneha dalkaas Uhuru kenyata.




Madaxweyne Uhuru ayaa ka aqbalay Istiqaalada Sarkaalkan, sida uu Telefishanka dawladda ka sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Manoah Esipisu.




Iscasilaada Taliyaha ayaa timi xilli Mucaaridka iyo Bulshada reer Kenya si weyn ugu dhaleeceeyeen inuu ku fashilmay ka hortaga Kooxaha Fadqalada ka wada dalkaasi oo ay ka mid tahay Alshabaab.




Mucaaridka Kenya ayaa dhawaanahan ku cel-celinayay baaq ay ku dalbanayaan In madaxweyne Uhuru Xilka ka qaado Mature Gen.  Michael Gichangi oo ay ku eeddeynayaan xil gudasho la’aan iyo dayaca amniga dalka.




Dhaleecaymahan ayaa soo noqnoqonayay tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday xarunta Ganacsi ee Westgate ee Magaalada Nairobi.




Sarkaalkan iscasilay ayaa afartan sanaddood in ka badan ka soo shaqaynayay Milateriga, isagoo ilaa heer derejo sare ah ka gaadhay.




Laakiinse xilka Taliyaha waaxda Mukhaabaraadka ayaa loo magacaabay sanadkii 2006-dii, iyadoo shan sano kaddib hadana dib loogu magacaabay sanadii 2011-ka.




Waa sarkaalkii u horeeyey ee iska casila laamaha nabad-gelyada Kenya tan iyo markii Ururka Al-shabaab qulqulatooyinka ka bilaabay Gudaha dalkaas.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com