Tuesday, August 12, 2014

Somaliland: Wasiir 4 sanno xilka aan laga bedelin oo wax-qabad kooban?Daawo


Afar  kaddib, Maxaa u qabsoomay Wasaaradda Qorsheynta Somaliland.?hoos ka daawo Waraysi 7 daqiiqo socda..




 




[caption id="attachment_92857" align="alignleft" width="300"]Dr. Sacad waxa uu mar xilka la tirsaday M/siilaanyo Dr. Sacad waxa uu mar xilka la tirsaday M/siilaanyo[/caption]Hargeysa(GNA)-Wasiirka Qorsheynta Somaliland ayaa waraysi uu siiyay Telefishanka Qaranka kaga waramay waxqabadkii Wasaaraddiisa ee afartii sannadood ee kulmiye talada hayay.




 




Dr. Sacad oo ka mid ah Wasiirrada aan marna la bedelin intii Madaxweyne Siilaanyo dalka xukumayay Sharaxaad dheer ka bixiyay Waxqabadka wasaaraddiisa, waxaanu tilmaamay inay waxyaabo badan ku guulaysteen.




Dejinta qorshaha guud ee Qaranka, la xisaabtanka Hay’addaha Mashaariicda waddanka ka fuliya iyo qiimeyn lagu sameeyay baahiyaha Bulshada, ayaa ka mid ah waxyaabaha  uu Dr, Sacad ku doodday inay ku guulaysteen.




Waraysigan oo uu bixiyay Shalay,ayaa socday wakhti  todoba daqiiqo ah.




Waxaana lala yeeshay,  ka hor intaanu u ambo bixin socdaal shaqo oo uu ku tegay Nairobi, ayuu ugu dambeyn ku sheegay “Maanta waxaan u mabo baxayaa socdaal aan ku tegayo Nairobi, halkaa waxaan kula kulmayaa Urur Goboleedka IGAD oo mashaariic ay Soomaaliya ka fulinayaan qaybteenii noogu yeedhay”ayuu yidhi Wasiirku.




Halkan ka Daawo Waraysigan: