Wednesday, August 20, 2014

Somaliland iyo halista Cudurka EBOLA?warbixin


Dawladda oo Hay’adda WHO ka sugaysa kaalmo lagaga hortegayo xanuunkan xawliga ku socda iyo xudduudaha oo halis u furan..




[caption id="attachment_92210" align="alignleft" width="228"]meelaha uu ku faafay meelaha uu ku faafay[/caption]Hargeysa-Foojignaanta lagaga hortegayo cudurka halista badan ee EBOLA ayaa inta badan ka dhaqan galay waddamada Dunida, siiba kuwa kulaala Badweynta Hindiya  iyo Midhatareeniyaanka, kaddib markii xanuunkan dad badani ugu le’deen dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika.




Sida ay warinayaan wakaaladaha wararka ee adduunku dhimashada cudurka EBOLA ayaa Galbeedka Afrika kor u dhaaftay kun iyo laba boqol oo qof, dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, hase ahaatee wali wadamada Bariga Afrika laguma sheegin qof uu asiibay inta la ogyahay, wallow Kenya walaac laga qabo inuu ka dilaaco.




Mid ka mid ah astaamaha Cudurkan lagu garto ayaa ah in qofku  dareemo qadhno  badan,  Matag iyo calool xanuunna yeesho, sida uu sheegay Dr. Axmed-yaasiin oo culuumta Caafimaadka ka diyaariya Jaamacad ku taalla Khartuum.




Somaliland waxay ka mid tahay dalalka Geeska Afrika  ee duwalka caalamka kala siman khatarta cudurka, hase ahaatee  wali dawladdu may qaadin talaabo dhaqan gal ah oo lagu xakameynayo cudurkaasi.




Inkasta oo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland horaantii Bishan August ku dhawaaqday inay Kooxo caafimaad geynayso goobaha dalka laga soo galo, si halkaasi loogu hubiyo caafimaadka dadka soo gelaya gudaha, hadana wali dayac badan ayaa  ka jira  xuduuddaha.[caption id="attachment_88763" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka Gaadiidka isaga baxa Somaliland iyo djibouti Muuqaalka Gaadiidka isaga baxa Somaliland iyo djibouti[/caption]




“xannaanada Magaalada way joogaan shaqaale caafimaadka ka shaqeeyaa, laakiinse ma jiro cid baadha dadka  xudduudka ka soo gudbaya”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Dayib oo ku sugan Tuulada Lawyo-caddo oo ku taalla soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Djibouti.




Xaddadka Gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer ee ay Somaliland la wadaagto dalalka Puntland iyo Itoobiya ayaan wax isbedel ah lagu samayn, isla markaana dadka ka soo gelaya baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyaa jirin, taasoo muujinaysa habacsanaan jirta.




Wasaaradda Caafimaadka  Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday qorshe qaran oo looga hortegayo cudurkan, sida uu shaaca ka qaaday Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye)




“Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay dawada, waxaannu doonaynaa haddiiba ay dhacdo Ilaahay inaguma keeno ee sidii looga hortagi lahaa cudurkan oo ah dilaa khatar ah oo aad u faafa, daawana aan lahayn, markaa wasaarad ahaan waxaannu doonaynaa in aannu wacyigelin ka siino bulshada cudurka, in annagoo kaashanayna Wasaaradda Arrimaha Gudaha qaybta socdaalka la hubiyo cidda soo galaysa waddanka oo la baadho dadka ciddii lagu arko calaamadaha xannuunka,” ayuu yidhi Dr. Xagla-toosiye oo u warramayey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da shalay.




Wasiir Xaglo-toosiye waxa uu xusay in ay shaqaalaha caafimaadka u bilaabeen tababarro lagu kordhinayo aqoontooda caafimaad eek u wajahan xannuunka Ebola, waxaannu yidhi, “Goobaha laga soo galo dalka waxaannu gaynay kooxo caafimaad, tababarro la siinayo kooxaha caafimaadkana waanu wadnaa ha joogaan cusbitaallada ama meelaha dalka laga soo galayo sida madaarrada diyaaraha oo kale, tababarkaasi oo ah sidii ay u aqoonsan lahaayeen qofka calaamadaha xannuunka Ebola leh, isla markaana loo karatiimayn lahaa inta laga xaqiijinayo inuu cudurkaasi qabo iyo in kale. Waxa kale oo ku jirta sidii ay iyaguna nafahooda uga ilaalin lahaayeen xannuunkan.”




Mar la waydiiyey meelaha ay sida gaarka ah muhiimada ugu saaranayaan baadhitaanka xannuunka Ebola, waxa uu ku jawaabay, “Madaarradu waa meelaha ugu muhiimsan ee aannu culayska saarayno, maadaama isu-socodku uu ku fududyahay xagga madaarrada waxaannu rajaynaynaa in aannu muhiimadda siinno, isla markaana aannu gayno kooxo badan oo caafimaad.”




 “Weli lamaannu kulmin dad laga shakiyo, balse hubinta iyo baadhitaannadu waa joogto.”ayuyu sii yidhi.




Inkasta oo Wasiir Saleebaan sidaas sheegay hadana Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa Gobanimonews u sheegay inay wali diyaarinayaan dadkii xanuunkan ka hortagiisa ka shaqayn lahaa, tababarkaasoo ay iska kaashanayaan Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO.




“hada waxaa la tabarayaa ilaa shan kooxood oo la barayo sida cudurka lagu garto iyo ka hortagiisa. Waxa naga caawinaysa WHO”ayuu yidhi sarkaalkan oo sababa jira awgood aan u shaacin waynay magaciisu.




Waxa uu intaas ku daray “wali WHO nagumay soo wareejin qalab iyo Dhaqaalihii lagu hawl-geli lahaa toona, sidaad ogtahayna dee ma jirto hay’ad  firin fircoon oo gacanta ku haysa dhaqaale dawladdu leedahay oo arrimahan oo kale lagaga jawaabayo”ayuu yidhi.




Si kastaba ha ahaatee Somaliland ayaa wali go’aan ka gaadhin xadiddaada dadka uga soo dhoofaya dibada, isla markaana aan taxadir badan oo lagaga gaashaamanayo xanuunkani ka muuqan, taasoo dawladda looga baahanyahay inay wax ka bedesho si ay dadkeeda uga badbaadiso safka halista badan eek u sii fidaya galbeedka Qaarada Afrika.




Maxaa yeelay dawladdaha Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ayaa si cad u qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo hadii la xoojiyo badbaado samayn kara.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com