Hoos ka Daawo Nuxurka Kulan dhex maray saddexda xisbi iyo Guddida doorashooyinka Qaranka
[caption id="attachment_92431" align="alignleft" width="300"]
Labada hogaamiye mucaarid[/caption]Hargeysa(GNA)-Kulan ayaa mar kale waxa uu dhex maray Asxaabta Siyaasadda iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland, kaasoo lagaga wada hadlay geedisocodka doorashooyinka waddanka ku soo fool leh sanadka soo socda ee 2015-ka.
Shirka ayaa ahaa mid ay Albaabadu u xidhnaayeen intii uu socday, waxaana ka qayb galay hogaamiyeyaasha saddexda Xisbi qaran ee dalka iyo Guddida Doorashooyinka.
Madaxda Xisbiyada oo markii dhamaaday Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Diirada lagu saaray sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha doorashooyinka soo socda.
Halkan Riix oo Daawo Hogaamiyeyaasha saddexda Xisbi oo ka hadlay ujeedada kulanka
Doorashooyinka ayaa ah kuwo muddo dhaafay iyo qaar wakhtigoodu ku eegyahay bisha June ee sanadka dambe, oo ay xukuumadda Siilaanyo kaga dhantahay shantii sanaddood ee la doortay.
Doorashada Baarlamanka ayaa ugu yaaraan laba jeer oo hore dib u dhac ku yimi wakhtigii loo muddeeyay, haatana wali taagan.
kulankan oo noqonaya saddexaad ee sanadka dhex mara Asxaabta iyo Guddida Doorashada, ayaa ku soo aaday xilli Urur Gobolleedka IGAD Wefti ka socdaa somaliland ku joogaan Booqasho salka ku haysa arrimaha doorashooyinka dalka oo dib u dhac looga walaacsanyahay.
Weftiga ayaa Maalintii shalay la kulmay Shir-guddoonka labada aqal ee Baarlamanka, kuwaasoo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo inaan loo baahnayn in dib u dhac ku yimaado doorashada Madaxweyneha.
dhaqdhaqaaqyo muuqda ayaa la aaminsanyahay inay xukuumaddu muddo kordhosi ku doonayso, taasoo ay asxaabta siyaasadu aad uga qalinayaan.