Monday, August 4, 2014

Somalia: Caqabad kale oo ka hor timi taakuleynta Dadka Abaaruhu saameeyeen


Golaha Wasiirrada oo dalbaday in Ciidanka sugaya ammaanka Gaadiidka  gaargaarka gaarsiinaya deegaamada ugu daran!!!




Golaha-Wasiirada2Muqdisho(GNA)-Cabsi ammaan daro ayaa hor-taalla Gaadiidka loogu talo galay in gurmadka lagu gaarsiiyo deegaamada abaarta iyo biyo la’aantu ka jirto ee gobollada soomaaliya, sida lagaga dhawaaqay kulan maanta Golaha Wasiirradu xukuumaddu ku yeesheen Magaalada Muqdisho.




Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dalka ay ka jiraan abaaro daran, iyagoo guddi wasiiro ah u saaray wax ka qabashada abaaraha, waxaana guddiga hoggaaminaya Wasiirka beeraha Cabdi Axmed Baafo, gudiga ayaa maanta soo saaray warbixin dhamaystiran oo ku saabsan Xaaladaha Bani’aadanimo dalka.




Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey meelaha ugu daran ee Abaaraha iyo biyo la’aantu  jirto, iyagoo Warmurtiyeed ka soo saaray kaddib shir aan caadi ahayn oo ay Golaha wasiirradu yeesheen Maanta.




BAAQ KU WAAJAHAN XAALADAHA ABAARAHA DALKA




1. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliyeed waxaa uu shir aan caadi ahayn Guddiga Gurmadka Degdegga kaga dhageystay warbixintii ugu dambeeysay ee ku saabsanayd xaaladda abaaraha iyo cunto-yarida dalka ka taagan.




1. Goluhu waxaa uu ku dhawaaqayaa in gobollada hadda ugu daran xagga saameynta abaaraha ay yihiin Gedo, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, xaaladaha bani’aadamnimana ay ku sii kordheeyso maalinba maalinta ka dambeeysa. Baahida dadka tabaaleysan waxay isugu jirtaa biyo, cunto iyo gargaar caafimaad.




2. Xukuumadda oo u qoondeeysay lacag dhan 500,000 doollar, waxa ay toddobaadka soosocda ka bilaabeysaa biyo-dhaamin gobollada harraadka uu ka taagan yahay. Waxaa kaloo xukuumadda u qorshysan in sida ugu dhakhsiyaha badan gaargaar cunto lala gaaro dhammaan gobollada cunt-yarida ay ka jirto.




3. Xaaladda amnidarro ee ka dhashay jidgooyada argagixisada ay ku hayso gobollada abaarta iyo cunt-yarida ka jiraan waxa ay carqalad ku tahay qorshaha hawlgalka gurmadka. Waxaa kaloo Xukuumadda u muuqatay in AMISOM ayan weli jawaab ka bixin codsiyo fududayn gaarsiin cuto deg-deg ah oo loogu talagalay dadka ku nool gobollada tabaaleeysan.




4. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay in uu u adeego dadwenihiisa, hase yeeshee ma haysto qalab ku filan oo uu keli ahaan uga soo baxo waajibaadka gelbinta gawaarida raashiinka gurmadka wadda.




5. Xukuumadda waxa ay u mahadcelineysaa dowladaha iyo hay’adaha durba ku dhaqaaqay gurmad degdeg ah iyagoo ka jawaabay baaqii ay hore u soo jeedisay Xukuumadda; arrintaasina waa mid dhiirrigelin leh.




6. Xukuumadda waxa ay AMISOM iyo deeq-bixiyeyaasha ugu baaqaysaa in ay gacan ku siyaan Xukuumadda xil-gudashadeeda si dalka looga badbaadiyo khatartii abaarihii 2011 oo kale. Waxaa loo baahan yahay in hadda si xoog leh loogu jeesto hawlaha gargaarka inta arrinta ayan gaarin heer aad u ba’an oo macaluul iyo dhimasho ay dhacdo.




Deegaamada ugu daran ee Abaaruhu ka jiraan ayaa waxa ka mid ah Degmooyin hoos taga Gobolka Geddo, Bakool iyo Bay, sida lagu sheegay warbixino saraakiisha dawladda laga helay, iyadoo meelahaas qaarkood ay gacanta ku hayaan kooxaha alshabaab.




Qaramada midoobay ayaa dhawaan ku dhawaaqday in abbaaro iyo cunto yaraan baahsani soo foodsaartay gobollada soomaaliya, macluulna ay la soo dersayso kumanaan carruur ah iyo maato kale.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com