
Waxayaabaha waxayaabo caalamka caan ka ah oo lagula xisaabtamo siyaasiyiinta dunidda
Wakhtiyadda ay soo baxaan waxayaabo fashiliya masuuliyaddooda ay markaas u hayaan shacabkoodda waxaanay keentaa inay galaafato xilka ay hayaan waxana wadamo badan oo dunidda ka middi ay siyaasiyiinta kula kacaan mudaharaaddo iyo banaan baxyo ay kaga dalbanayaan inuu xilka Qaranka uu u hayo iskaga dhiibo ammaba uu ku xilka ku warejiyo
Iyadda oo ay ku eedaynayaan in uu ku fashilmay xilkii ay u igmadeen
Oo ay ugu horayso arimmahaa loogu kacaayo in uu sirtii Qaranka uu Masuulka ka ahaa Debedda Usoo Baxday ilamarkaana aanu ahayn masuul hagi kara
Waayo waxa isku si wax u wada og makastii iyo Madaxdii Dalka hogaaminaysay
Markaa waxa kamidda su.aalaha ay markaas dadka wadankaas lihi iswaydiiyaan
Maynaga ayaa masuuliyiina mise siyaasiga aynu igmanay
Waxana ugu badan dalalka sidaas madaxda ku takhalusiyaa ay u badanyihiin wadamadda Reer Yurub oo madaxwaynaha arintaasi ku cadaato xilka kaga caydhiya
Hadaba waxa aan maanta qalinka arimmahan u dul saaray
Markaan arkay siyaasaddi dalkeena oo hadii wax yar ay madaxda Qaranku ka faqaan amma ay Arimaha dalka wax iska waydiiyaan waxaad arkaysaa iyaddoo isla markiiba suuqa taalla
Waa wax ceeb ku ah dalka oo ceeb ku ah madaxda Qaranka
Waxaanad moodaa in xukumaddan uu hogaamiyo Mudane Axmed Siilaanyo ay aad ugu dhwday Shacabka waana taas ta arimahan keenaysaa
Hadaba waxaan Leeyahay xukumaddan Waxaad isgaadhsiisay shacabkii iyo siyaasigii
Waxaanaymarkhaati katahay inayddun ku fashilanteen hogaamintii umadda
Mar hadaydaan sirtiiba xafiddi karayn
Waanna in aydun dalkan doorasho gaadhsiisaan
Si aydaan u noqonin dambiilayaal qaran
Waayo mar hadii sirtii Qaranka ay wadda ogyihiin caamo iyo caalinba
By: Sacad Cali Kahin Raamalay Sacad plucky
Qalin Ku Difaac Group