Thursday, August 14, 2014

Qurbo-joogta reer Burco oo xukuumadda ku dhaliilay qabyada Madaarka Burco iyo arrimo kale


Waxay sheegeen inay xisbiga Kulmiye ka baxayaan hadii dawladdu waxba ka qaban waydo dib u dhaca ka muuqda Gobollada Barri




[caption id="attachment_93021" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka Madaarka qabyo ah Muuqaalka Madaarka qabyo ah [/caption]Minnesota( GNA)- Jaaliyada reer Burco ee somaliland ee ku nool wadanka Maraykanka ayaa dhaliillo badan u jeediyay Xukumada Axmed siilaanyo.




Xubnaha ugu sareeya Jaaliyada reer togdheer ee ku dhaqan dalka USA ayaa niyad jab Xoogan ka muujiyay wax qabadka xukumada ee ku adann magaalada Burco Iyo Gobolada Bariga somaliland oo dib u dhac Wayni ka muuqdo.




Sidoo kale waxay si adag uga hadleen madaarka Burco ee 4 Sano hada qabyada ah, sidaa waxay ku sheegen qoraal kooban oo ay soo gaadhaiyeen Shabakada wararaka ee QoryaaleNews.com media group xafiiska ay ku leedahay dalka maraykanka.




Guddiga Iyo Jaaliyadda gobolka togdheer ee fadhigoodu yahay Cariga maraykanka ayaa aad ugu dhaliilay Wasaarada duulista Iyo hawada sare ee somaliland oo ka gaabisay dhamaystirkii madaarka caasimada labaad ee dalka ee Burco.




Sidoo kale waxay xukumada dhexe ku dhaliileen in aanay daacad ka ahayn madaar u samaynta magaalada Burco oo ay sheegeen in xitaa laga qaaday lacag aad u badan oo loo sheegay in lagu dayac tiraayo madaarka Burco dhowr Sano ka hore.




Jaaliyada USA ee gobolka togdheer ayaa Go'aano adag ka soo saartay madaarka Burco Iyo xisbiga kulmiye hadaan si dhakhso ah loo dhamaystirin madaarka magaalada Burco ee qabyadaa 4 Sano gawda ah.




Gudiga Jaaliyada USA ee gobolka togdheer ayaa sheegay in ay ka bixi doonaan xisbiga kulmiye hadii aan la fulin balan qaadyadiii madaarka Burco Iyo gobolka togdheer oo u muuqda hadal afka baarkiisa ahaa.




Waxa kale oo ay  sheegeen in doorashada soo socota ay codkooda siin doonaan xisbiga dhisi doona madaarka burco Iyo magaalada oo ka danbaysa in badan Caasimadii labaad ee dalka una baahan dayac tir fara badan oo baaxad leh Iyo madaarba.




Ugu danbayntii Jaaliyada gobolka togdheer ee USA ayaa  codsaday in looga jawaabo si dhakhso ahna waxna looga qabto cabasha dooda si dhakhso ah.




Qurba jooga reer Burco ayaa lagu qiyaasa Kuwa ugu badan qurba jooga reer somaliland ee dalka dibadiisa ku nool Boqolkiiba 70.




Si kastaba ha ahaate Boqlaal kun oo reer togdheer ah ayaa ku nool daafaha aduunka waxayna badan koodu sheegen in aanay Tagi doonin dalkoodii hooyo ilaa inta ay helayaan madaarka magaalada Burco oo dib u shaqeeya.




Dhawaaqan adag ee ka soo yeedhay Qurbo-jooga ayaa ku soo beegmaya xilli uu caawa madaxweyne Siilaanyo Casuumad u fidiyay qurbo-jooga dalka ku sugan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com