Friday, August 22, 2014

Qunsuliyada Turkiga Ee Somaliland Oo Fure U Noqotay Xidhiidh Ganacsi Iyo Iskaashi U Bilowday Labada Dal


Safiirka Tuiriga ee Somaliland fadhiya




Qunsuliyada Turkiga Ee Somaliland Oo Fure U Noqotay Xidhiidh Ganacsi Iyo Iskaashi U Bilowday Labada Dal




 




Safaaradda(Gobanimonews)-8-22-201- Cusub ee dawladda Turkigu ka furatay Xarunta Caasimadda ee Magaaladda Hargeysa ee Somaliland.ayaa fure u noqotay Xidhiidh Saaxiibtino oo dhaw kaasi oo dhex mara ganacstadda iyo Shirkaddaha Wax soo saarka iyo Horumarka.




Qunsulka waddanka Turkiga Mr  Muzaffer Yuksel oo Somaliland Xafiiskiisa ka furtay Bishii Jully ee Sannadkan,ayaa fududeeyey inay Shirkaddo ganacsato ah oo Stambul ka dhisani ay Somaliland hawlo maalgashi ka sameyn doonaan iyada oo sido kalena ay ganacsato reer Somaliland ahi hormuudka yihiin iskaashi maalgashi iyo horumarineed ee ay la sameeyaan ganacsatadda iyo shirkaddaha dalka Turkiga laga leeyahay.




Shirkadda Som-Turk waa shirkad laga leeyahay dalka Turkiga isla markaana ay dad reer Somaliland u dhashay ka madax iyo hormuud yihiin waxana ay ka shaqeysa arimaha Macdanta,Dhismaha,Ganacsiga iyo arimo kale oo badan waxana xafiiskeedu ku yaala magaaladda ANKARA ee dalka Turkiga,waxana ay Shirkadda Som-Turk si weyn uga shaqeysa arimaha horumarinta ee dalka Turiga iyada oo haatanba Somaliland ka fulisay mudadii ay soo gaadhay ee Safaaradda Hargeysa Turkigu ka furtay Mashaariic dhawr ah oo lagu guulaystay,




Shirkadda Som-Turk waxa ay Mashaariic badan oo lacago Milyanaad dollar ahi ku baxday ka fulisay mudadii gaabneyd ee ay Somaliland joogtay magaaladda hargeysa sidaa Mashaariic ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom kalaa shaqeysay iyo kuwa kale oo horumarineed,




“Waxa nasiib wanaag noo ah in aanu la shaqeyno Compani (Shirkadda Somturk) tayadda sidan oo kale u weyn leh,kaliya tayo uun noomay keenin ee waxa ay xata fursado shaqo abuuris u sameynayaan dhalinyarteena dalka “Sida waxa yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Guul Group ee Somaliland




Dawladda Turkiga ayaa Xafiis ka furatay horaantii Bishii Jully ee 2014-ka sannadkan kaasi oo uu wakiil uga noqon doono Safiir Hargeysa u fadhiyidoona wixii Xidhiidh Siyaasadeed ama arimaha ganacsiga labada dalna fududeyn doona iyada oo sido kalena Somaliland Xafiis ka furatay magaaladda ANKARA ee dalka Turkiga,waxana labada dal ay wadaagan arimo taariikhi ay oo mudo dheer soo jireen ah iyada oo Turkigu hore Magaalada Qadiimiga ah ee Berbera uga fuliyey dhismayaal taariikhi ah mudo fog ka hor haatana uu u muuqdo in xidhiidhkaasi qarniyada ka hor baadhka labada dal ka jafayaan oo wada  yeelan doonaan.




Sources by Wargeyska SAXANSAXO




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@Gmail.Com




Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland