City ayaa dhulka la jiiday guuldaro xanuun badnina ka qab satay ciyaartii hirdanka koobka Community Shield oo ay awood kaga badisay Arsenal laakiin Manuel Pellegrini ayaa qaba fikrad ka duwan taas oo ah inaan laga awood badnayn kooxdiisa.

Pellegrini ayaa carabka ku adkeeyey in qaybtii hore ee ciyaarta kooxdiisu ay habacsanaan badan ka muuqatay, laakiin markii loo baxay nasashada uu soo siiyey dardaaran soona dhiiri galliyey awood tii hore ka baaxad balaadhana ay soo bandhigeen markii la isu soo noqday.
Naadigiisa ayaa 2-0 gosha loo galliyey 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore ee ciyaartaba, laakiin markii dambe fursado goolal noqon karayay abuurtay inkasta oo aanay u dhalanin, xoog iyo dardarna muujisay wixii ka horeeyey goolkii quruxda badnaa ee uu meesha foga kaga toogtay weeraryahan Olivier Giroud dhamaadkii kulanka.
“Ciyaartan, waxay lahayd laba weji oo kala duwan,” ayuu yidhi. “Qaybtii hore ee ciyaarta maanu u ciyaarin qaab ciyaareed fadhiya oo degen iyo kii aanu xili ciyaareedkii dhamaaday u ciyaaraynay, Arsenal-na laba gool ayay keen satay sababtoo ah habkayaga difaaca oo kala daadsanaa.
“Qaybtii dambe waxaanu u ciyaarnay si aad u fiican, anaga ayaa awooda sare lahayn oo kubada inta badan haysanay, fursado badana abuurnay oo gool noqon karayay.
“Qaybtii dambe , waxay u ekaayeen ciyaaryahanadaydu sidii ay ahaayeen xili ciyaareedkii dhamaaday oo kale.”
“Had iyo goor guuldaradu way xun tahay hadanase uma baahnin inaanu ka werwerno arintan – tan waxaan ku micnayn karaa ciyaaryahanada oo xooga saarayay ciyaarista lafteeda ee aan qaab ciyaareedka u fiirsanayn.
“Maantu ma aha maalintii cadaadis la igu saari jiray boosaska aan ka ciyaar siinayo kooxda , waxay ahayd hal ciyaar oo la isugu diyaarinayo bilowga horyaalka cusub. Waxaa nagu jiray todoba ciyaaryahan oo ciyaaray kaliya afar kulan, kuwaas oo aan wali si fiican ula qabsan hanaanka ciyaarta, iyo qaar badan oo kale oo 9 ama 8 maalmood oo kaliya joogay kooxda.
“Wey adag tahay in la isku diyaariyo laba todobaad, weynu eegi doonaa inta todobaadkani socdo ciyaaryahanada diyaarka ah iyo kuwa aan noqon karin.
“Waxaa naga maqnaa ciyaaryahanadii furaha noo ahaa , laakiin khal khal jiray qaybtii hore ee ciyaarta ayuunbaan u tirinayaa guuldaradan nagu dhacday.”