Monday, August 18, 2014

Nickolas Kay iyo Siilaanyo ma isku fahmi doonaan Ajandeyaasha u qarsoon?


Xog: Kay oo la sheegay inuu siilaanyo u bandhigi doono dhexdhexaadin Gobollada kala hadli doona khilaafka dhul ee Somaliland, Puntlad iyo Somaliland




Nickols_Kay_5Hargeysa(GNA)-Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Nickolas Kay, ayaa soo gaadhay Magaalada Hargeysa, maanta oo Isniin ah, kaddib markii booqasho hal maalin ah ku joogay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.




Kay ayaa Garoowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland iyo Masuuliyiinta Maamulkaas, waxaanay ka wada hadleen sidii loo soo celin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya dawladda Federaal iyo Maamulka Puntland oo xurguf siyaasaddeed ka dhexaysay bilihii la soo dhaafay.




Wasiirro ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa ku soo dhaweeyay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaanu Kay sheegay inuu u mahad celinayo Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirkii Arrimaha dibada oo uu ku ammaanay fursad ay siiyeen, si uu u darso arrimaha ka jira Somaliland ee xagga horumarinta, nabad-gelyada iyo siyaasadda.




“waynu ku wada jirnaa labada arrimood ee uu ka shaqeeyo, laakiinse waxa ugu muhiimsan ee uu aadka noolaga shaqeeyo waxa weeye arrimaha bina-aadanimada”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibada Somaliland Mawliid oo warbaahinta la hadlay.




“Waxaan rajeynaynaa inaanu wada shaqaynta Nickolas si wanaajino, wixii khilaaf ah ee jirana waxaan rajeynaa inaanu xalino”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.




Nickolas Kay ayaa sheegay inay Somaliland horumar la taaban karaa  ka hir-gelay sanadihii ugu dambeeyay.




Somaliland ayaa sanadkii hore eriday Nickolas iyagoo ku tilmaamay inaanu qaramada midoobay u metelin Somaliland, isla markaana Xafiiskiisa siyaasadda ee UMSOM uu lid ku yahay madaxbanaanideeda.




Kay iyo Madaxda Somaliland ayaa labaduba ka gaabsaday inay Xukuumadda Siilanayo ka  noqotay go’aankeedii ay ku madnuucday Xafiiska Kay ee siyaasadda.




Balse wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay sarkaalkan kala hadli doonaan arrimaha bina-aadanimada iyo horumarinta ee aanay wax siyaasad ah kala hadli doonaan .




Kay ayaa qadarinta ugu badan ee socdaalkiisa Somaliland siiyay Wasiirkiisa khaarajiga oo sheegay inuu saaxiib dhow la yahay, sida uu ku xusay waraysi lala yeeshay todobaadkii hore.




Si kastaba ha ahaatee  Nickolas Kay ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Somaliland , Wasiirrada Qorsheynta Qaranka iyo ka arrimaha dibada.




“waxaan hargeysa ku joogi doonaa booqasho hal maalin ah, waxaan la kulmi doonaa madaxweynaha Somaliland”ayuu yidhi Kay oo saxaafadda la hadlay.




Ma cadda inuu la kulmi dooono asxaabta siyaasadda iyo Goleyaasha kale ee Qaranka, sida xeer-dejinta iyo qaybaha kale.




Maamulka la baxay Khaatumo ee dhawaan Madaxweynaha ku doortay Gobolka Sool, ayaa si weyn isha ugu haya booqashada Nickolas Kay ee Somaliland, waxaana sida muuqata qorshaha waxyaabaha uu madaxweyne siilaanyo kala hadli doono ka mid  ah arrinta soohdinta Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo xafiiskiisu dhowr jeer baaqyo nabaddeed ka soo saaray iska hor-imaadyo ka dhacay.




Waxa sida muuqata uu doonayaa inuu arrintaasi ku dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Puntland oo is-maandhaafka ugu weyni kaga dhexeeyo Dhulka Khaatumo sheegato ee SSC-dii hore.




Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa todobaadkan waraysi uu bixiyay kaga dhawaajiyay inay Somaliland uga ashkatoodeen bulshada caalamka, isla markaana baaqyadii caalamiga ah ee lagu dhaleeceeyay la wareegista Degmada Taleex ay ka dambeeyeen dacwado ay u gudbiyeen beesha caalamka iyo daneeyayaasha gobolka.




Dadka arrimaha Siyaasadda ku foogan ee Somaliland ayaa si weyn isha ugu haya qorshaha nuxurka ku jira booqashada Nickolas kay Somaliland.




Laakiinse ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed oo ay Gobanimonews heshay ayaa tibaaxaya inuu sarkaalkani jeebada ku wato ajandeyaal cad-cad oo uu Madaxweynaha Somaliland kala hadli doono, kuwaasoo in laysku afgaran iyo in kale wali calaamatu-su’aal saarantahay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com