Jose Mourinho ayaa digniin u diray kooxaha Ingiriiska, isaga oo ku faanaya awoodda kooxdiisa Chelsea, waxaanu u sheegay in hammiga naadigiisu yahay in tobanka sannadood ee soo socda ay ka taliyaan horyaalka, isla markaana ay ku guulaystaan 10ka sannadood ee soo socda.

Chelsea ayaa waxay xili-ciyaareedkan soo iibsatay Diego Costa, Cesc Fabregas, Filipe Luis iyo Didier Drogba, kuwaas oo ay ku bixisay lacag ku dhow €90 million, waxaanay kooxdan ka dhisan garoonka Stamford Bridge ay xili-ciyaareedkan 2014-2015 ay bilaabaysaa iyadoo wadata ciyaartooyo cusub oo awood badan, taas ayaanu tababare Mourinho ku kaliftay inuu awooddiisa ugu hanjabo kooxaha kale ee Premier League.
“Waxaannu haysanaa kooxdii aanu baahnayn. Waa kooxda berrito, xili-ciyaareedka dambe iyo koox rajo weyn ka leh in ay shanta ama tobanka sannadood ee socda ciyaarto” sidaa waxa yidhi Mourinho oo u warramay koox wariyeyaal ah.
“Kooxdan aan hadda haysto aad ayaan u jecelahay, ma jiro tababare adduunka joogo oo haysta koox dhamaystiran, mana jiro tababare odhan kara ‘Kooxdaydu way dheeli tiran tahay’ ama odhanaya meel ay isbeddel uga baahan tahay ma jirto.
“Waxa kaliya oo aan idiin sheegi karayaa in aan aad u jecelahay ciyaartooyadaydan. Kooxdu waa cajiib sababtoo ah waxay ii ogolaatay in aan helo saddexdii ciyaartoy ee bar-tilmaameedka ii ahaa een ka codsaday ee ahaa difaaca bidix, dhex weerarka xigta iyo weeraryahan.
“Xaqiiqo ahaan waxay isiisay (Kooxdu) laba weeraryahan sababtoo ah Didier ayaa soo laabtay. Markaa waxa aanu ciyaartooyadii aannu rabnay, waxaanan leeyahay aad ayaanu u jecelnahay ciyaartooyadayada”.
Chelsea ayaa ku dhamaysatay kaalinta saddexaad xili-ciyaareedkii hore, waxaanay kan sannadkan cusub ku bilaabaysa ciyaarteeda furitaanka kooxda ka soo baxday heerka labaad ee Burnly Isniinta soo socota.