Wednesday, August 13, 2014

Michael Owen Oo Markale Ka Hadlay In Arsenal Ay Ku Guuleesan Karto Premiership-ka Iyo Inkale Xili Cayaareedkan.


Halyeegii hore ee xulka England iyo kooxda Liverpool Michael Owen ayaa mar labaad si gaar ah uga hadlay dhaq dhaqaaqa ay kooxda Arsenal suuqa Yurub ka sameesay iyo inay ku guuleesan karto Premiership-ka xili cayaareedkan, Owen oo haatan ka mid ah qabiirada ka faaloodaan EPL ayaa saluugan siyaasada macalin Arsene Wenger wuxuuna weeraryahankan ka dhawaajiyay in Arsenal aysan horyaalka ku guuleesan karin sidoo kalena ka mid noqon doonin 4-naadi ee ugu sareeyo Premiership-ka xili cayaareedkan hadii aysan lasoo saxiixanin xidig khadka ku wanaagsan oo kubada raaci karo!




Owen




Owen oo sidoo kale usoo cayaaray kooxaha Real Madrid, New Castle iyo Man United ayaa ka hadlay xaalka Arsenal wuxuuna yiri “weli waxaan aaminsanahay in awood ahaan Arsenal ka hooseyso Chelsea iyo Man City, waana qasab inay helaan xidig khadka dhexe ku wanaagsan hadii kale kama mid noqon doonaan 4-naadi ee ugu sareeyo EPL!” Geeska kale Owen ayaa xusay in haatan niyad ahaan xidigaha Arsenal isku kalsoon yihiin madaama ay labo koob oo xariir ah qaadeen (FA Cup iyo Community Shield) balse wuxuu Wenger ku booriyay inuu xidig khadka dhexe ku wanaagsan lasoo saxiixdo ka hor inta uusan suuqa Yurub xirmin.