Xaabsade oo saacadaha soo socda Gaalkacayo ku wajahan iyo Siilaanyo oo Garoowe ka baafinaya
Waxa uu caawa u hoyday Degmada Bookh oo xadka u dhow, halkaasoo ay gaadhsiiyeen ciidanka Liyuu Booliska Itoobiya
[caption id="attachment_92590" align="alignleft" width="237"]
Axmed Cabdi Xaabsade waa siyasi caan ah[/caption]Hargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa gaadhay Degmada Bookh oo ku taalla xuduudka Itoobiya iyo Puntland, halkaasoo la sheegay inuu caawa ku suganyahay.
Xaabsade ayaa ku sii jeeda Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, laakiinse waxa la sheegay inuu beri ku beeganyahay Magaalada Gaalkacayo oo uu guda galkiisa Puntland ka bilaabi doono.
La-taliyihii Madaxweyne siilaanyo ee arrimaha Doorashooyinka ayaa maalmo ka hor dhinaca dalka Itoobiya, gaar ahaan caasimada dawlad deegaanka Soomalida ee Jig-jiga gaadhay, halkaasoo uu safar dhinaca Dhulka ah uga sii gudbay. Isla markaana ilaa Bookh dhulka sii maray.
Ilo-wareedyo kala duwan oo Gobanimonews ka heshay safarka xaabsade ayaa sheegaya inay jig-jiga ilaa bookh sii kaxeeyeen ciidamo Itoobiyaan ah oo Magaalada Jig-jiga ka sii raacay.
Inkasta oo warar goor dambe laga helay ay sheegayaan inuu degmada Bookh uga sii gudbay fiidnimadii deegaamo dhinaca Gaalkacayo ka xiga oo soohdinta ku sii dhow, hadana si kastaba ha ahaatee waxa tibaaxaha aanu helnay xaqiijinayaan in maalinta beri ah soo dhaweyntiisa looga diyaar-garoobay Gaalkacayo.
Ilo-wareedyo Gaalkacayo ku sugan oo Gobanimonews la xidhiidhay ayaa sidoo kale caddeeyay inaanu wali soo gelin magaalada.
Hase ahaatee dhaqdhaqaaqa soo dhaweyntiisa ayaa laga dareemayaa Magaalada Gaalkacayo, iyadoo ay ilaa maanta Magaalada soo gaadheyaan masuuliyiin iyo siyaasiyiin xukuumadda Garoowe ka socda oo soo dhaweyntiisa halkaasi ugu sii diyaar-garoobayay.
Xaabsade iyo Somaliland
Xaabsade ayaa saddexdii sannadood ee ugu horeeyay Xukuumadda Siilaanyo xilal wasiirnimo ka soo qabtay, Sanadkii 2013 ayaa Madaxweyne Siilaanyo ka qaaday xilkii Wasiirnimo, isagoo u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Doorashooyinka.
Xilalka uu qabtay waxa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka hawlaha guud iyo Guriyaynta oo ahaa laba wasaaraddood aad u muhiim ah.
Qabashada Xilka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ayaa ahayd mansabkii ugu horeeyay ee uu Somaliland ka qabto tan iyo markii uu 2007-dii ka soo wareegay xagga Puntland oo uu cadho siyaasaddeed uga soo baxay.
Xukuumaddii Daahir Rayaale ayaa intii ay talada haysa aan xil u magacaabin, balse nasasho siyaasaddeed ugu haysay Hargeysa, maadaama oo uu ka qayb qaatay, door weyna ku lahaa qorshihii Somaliland kula wareegtay Magaalada Laascaanood iyo deegaamo kale oo hoos yimaada Gobolka Sool.
Siyaasi ahaan waa xubin miisaan ku leh Sool, hadii uu Hargeysa joogo iyo hadii uu Garoowe joogo. hase ahaatee dadka qaar ayaa aaminsan inuu faashil siyaasaddeed halbeeg u noqday, isla markaana Garoowe iyo Hargeysa marba ka uu ka cadhoodo mooyaane ka kale isu dhiibayo.
Go’aanka uu hada Somaliland kaga tegay ayaa dhabar-jab weyn ku ah Xukuumadda Siilaanyo oo ay falanqeeyayaasha Siyaasaddu aamisanyihiin inay doorkiisii ku bedelatay siyaasiyiin aan miisaan badan lahayn iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo ka soo jeeda Deegaamada SSC ee Hawdka.
Deegaan ahaan Bulshada uu ka soo jeedaa waxay ahayd beesha ugu Gobolka ee Somaliland Taageersan, waxaana deegaamada ardaagiisu dego ka mid ah Saax-dheer, Kala-baydh iyo Cadhoolay, meelahaasoo intii dambe ee xilka laga qaaday xanuunka Khaatumo sadheeyay balse intii hore Somalilandernimadu ka hana qaaday.
Puntland
Dhinaca Puntland marka la eego waa u guul siyaasaddeed, waxaana durba la hadal hayaa in xil wasiirnimo looga balanqaaday Xukuumadda talada haysa.
Marka la bidhaamiyo saameynta ugu weyn ee uu Garoowe ku yaalanayaa, waxa lagu tilmaamayaa dejinta istaraatijiyad cusub oo Gobolka Sool loogu celinayo gacanta Puntland, taasoo Somaliland culays badan ku soo kordhin doonta.
Siyaasigani waa nin haya xogta iyo xaqiiqda siyaasaddeed ee ay xukuumadda Siilaanyo ku maamusho Gobolka uu ka soo jeedo, waxaanu talaabo kasta oo uu qaadayo ku beegsan karaa xogta iyo xaaladaha uu sawirka buuxa ka haysto.
Xukuumadda Siilaanyo
Wali xukuumadda Siilaanyo kamay hadal talaabada uu qaaday, xilli loolan siyaasaddeed oo maxali ah lagu mashquulsanaa sanadkan oo dhan, laakiinse waxa iska cad in Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha xukuumaddiisa ee ku xeerani arrin xooggan uga walaacsanyihiin.
Walaaca ugu badan ee ay qabaan ayaa u muuqda mid aan wakhtigan u saamaxayn inay xal ku gaadhaan, balse su’aasha aqalka madaxtooyada ka guuxaysaa waa mid ku taxaluqda sida looga gaashaaman karo loolankiisa dhinaca Garoowe uu ka soo kiciyo aan ka fursanayn inuu xiisad kale ka huriyo Gobolka Sool.
Culayska Saluuga Siyaasaddeed ee uu qabo xaabsade ayaan ahayn wax mugdi ku jiro oo uu si cad warbaahinta uga sheegay, waxaanu yidhi mar dhexdiiya oo la waraystay “hadaan sidan moodayo inay noqonayso xaaladdu Laascaanood Somaliland umaan soo gacan geliyeen.”ayuu yidhi xaabsade oo ciil-kaambi siyaasaddeed ka muuqday.
Waa gacan uur ku jirta waxa xigi doona xeelada siyaasaddeed ee xaansade xayndaabka Somaliland uga baxay, iyadoo aan cid is-hortaagtay jirin xataa laamaha sirdoonka Somaliland oo ogaan kari waayay markuu jig-jiga u socday iyo intii xidhiidhku u socday Maamulka Puntland.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com