Saturday, August 16, 2014

Manchester United oo U Dhow Heshiis Ay La Gasho Di Maria.


Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Yurub, waxa horumar laga gaadhay wada hadallo u socday kooxaha Manchester United iyo Real Madrid iyo waliba ciyaaryahanka Angel Di Maria.




 




Wararkani may sheegin in wax heshiis ah la gaadhay, laakiin sida ay baahiyeen warbaahinta taageerta kooxda Manchester United, tababare Luis van Gaal ayaa ugu horreeya tartanka loogu jiro ciyaaryahankan, waxaana soo baxaya warar sheegay in PSG oo ku hirdinaysay loollanka ciyaaryahankan ay meesha ka baxday oo ay ka hadhay baadi doonka xiddigan cagta fudud.




Los Blancos ayaan wax hadal ah ka soo saarin hadal haynta suuqa ugu jirta in uu ciyaaryahankani tegayo, laakiin labada toddobaad ee ka hadhay suuqa kala iibsiga ciyaartooyada ayaa la ogaan doonaa sida uu xaalku noqdo.