Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo, ayaa dalka ku soo laabtay maanta oo Axad ah, kaddib safar saddex todobaad iyo badh qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa socdaalkiisu ahaa mid nasasho ah oo aan wax shaqo ah ku lug lahayn, wallow uu kulamo kala duwan dalkaasi kula yeeshay jaaliyadaha Reer Somaliland.
Madaxweynaha ayaa saaka ka soo kicitimay Dalka itoobiya oo uu xalay Transite ku ahaa, waxaanu saaka ka soo degay gegida Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Sidii looga bartay Masuuliyiinta xukuumadda badankooda ayaa saaka iska xaadiriyay Madaarka si ay uga qayb qaataan soo dhaweynta madaxweynaha, waxaana soo dhaweynaya Wasiirro, Agaasimeyaal iyo masuuliyin kale oo laamaha dawladda ka tirsan.
Wariyayaasha ayaa goor sii horaysay gaadhay Madaarka.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkiisa waxa ku wehelinaya Marwada koowaad, Wasiirka Waxbarashada iyo Xoghayntiisa gaarka ah.