Sunday, August 3, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb-gelaya Shirka Obama iyo Madaxda Afrika


Fursad intee le'eeg ayaa ugu jirta Soomaaliya Shirka Madaxweyne Obama ku marti qaaday madaxweyneyaash Afrika?




[caption id="attachment_91471" align="alignleft" width="363"]Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka[/caption]Washington(GNA)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku sii jiida Magaalada Washington ee Caasimada Waddanka Maraykanka si uu uga qayb-galo Shirka Madaxweyneyaasha Afrika iyo Aqalka Cad oo bishan August loo balansanaa.
ku dhawaad konton hogaamiye oo Afrikaan ah ayaa Madaxweyne Obama ku casuumay aqalka cad bishan August, waxaana ka mid ah madaxweyneyaasha Chana, Djibouti, Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo afrikaan ah.
Weftiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka ambo baxay gelinkii dambe ee Sabtida, waxaanu toos ugu duulay Caasimada Maraykanka ee Washington, halkaasoo uu soo dhaweyn ugu diyaariyay Safiirka cusub ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Shirka Madaxda Afrika iyo Madaxweynaha Maraykanka oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay washington ku marti qaado  ayaa soconaya 4 ilaa 6 Bisha August, waxaana lagu faaqidayaa sidii ay dimuquraadiyadu uga hana qaadi lahayd Qaarada Afrika.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadli doonaa istaraatiijiyada Maraykanku ka leeyahay Wadamada Afrika, ee dhaqaalahoodu soo korayo iyo kuwa wali aanu degenaanshiyaha siyaasaddeed ka jirin.
ka qayb-galka Madaxweynaha Soomaliya ee shirkaasi ayaa fursad weyn u ah dalka Soomaaliya oo burbur laxaadle soo gaadhay 22-kii sanaddood ee ay amni daradu ka jirtay, waxaanu albaabka u furayaa sumcad siyaasaddeed oo ugub ah, taasoo ay soomaaliya kula soo noqonayso kalsooniddeedii caalamiga ahayd.
Shirkan oo si weyn isha loogu hayo, ayaa wadamada reer  Bariga qaarkood ula muuqda mid Washington ku doonayso inay saameynteeda Qaarada Afrika ku xoojiso, isla markaana ay ku shiiqiso saameynta Dhaqaale ee  wadamada Shiinaha iyo Turkiga oo kor u sii kacaysa.
Shiinaha oo ka mid ah wadamada loolanka Dhaqaale ka dhexeeyo Maraykanka, faro baasna ku haya saameynta dhinaca Maal-gashiga ee Maraykanku ku leeyahay qaarada Afrika, ayaa il gaar ah ku eegaya dulucda Shirkan Madaxda Afrika iyo obama.[caption id="attachment_92276" align="alignleft" width="276"]Madaxneyaasha maraykanka iyo Soomaaliya Madaxneyaasha maraykanka iyo Soomaaliya [/caption]
Soomaaliya, marka laga hadlayo hanaanka geedisocodka Dimuquraadiyada Afrika, waxa muuqata inay tahay waddanka ugu hooseeya, maadaama oo aanay wali cago adag ku istaagin, isla markaana filashada nidaam doorasho oo dimuquraadi ah oo dalka ka hana qaadaa  ku xidhantahay habka loo qabto Doorashooyinka madaxtinimada ee dalkaasi oo ku beega 2016-ka.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com