Tuesday, August 5, 2014

Madaxweynaha Kenya oo markii u horaysay Maraykanka booqday


[caption id="attachment_92379" align="alignleft" width="300"]kenyatta and obama kenyatta and obama[/caption]




Washington(GNA)-Madaxweynaha dalka kenya uhuru kenyatta ayaa ka qayb galey shirka madaxda afrika oo maanta isniin ah ka furmay magalada washinton DC ee dalka maraykanka.




 shirkan oo looga hadli doono dhaqalaha iyo horumarinta afrika ayaa waxa madaxweynaha maraykanku ku soo martiqaaday in ka badan 50 hogaamiye oo  kasocda wadamada qarada afrika, kuwaasoo oo uu kamid mid yahay madaxwayna somaliya xasan sheekh maxamud.




 waa markii ugu horeysay ee madaxwayna kenya uhuru kenyatta uu safar ku tago dalka maraykanka tan iyo intii xilka uu qabtey.




Kenyaata ayaa la aamisanyahay inaanu wada shaqeyn dhow la lahayn dhigiisa Washington, isla markaana aanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn oo ay uga faro dhuudhuubanyihiin siyaasiyiinta Mucaaridka dalkaas hogaamiya sida raila ondiga iyo jaaleyaashii kale ee ODM.




Laakiinse dadka reer Kenya ayaa si weyn isha ugu haya waxa ay booqashada aqalka cad ee Uhuru Kenyatta ka bedeli doonto xidhiidhkii xadidnaa ee u dhexeeyay isaga iyo Obama.




Madaxweynaha Kenya ayaa ah hogaamiye Dacwadi kaga socoto Maxkamdda Caalamiga ah ee Hague, taasoo saameyn siyaasaddeed oo caalamiya ku keentay maamulkiisa.




Cabdiraxmaan buurdhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: buurdhaab4@gmail.com