Monday, August 18, 2014

Labaatan (20) Jir Is Caashaqay


cashaqa




Midabkiisu Waa Maariin Casaan Xiga. Ma Dheera. Mana Gaabna. Waxase Lagu Tirin Karaa Dhex.Dhexaad Jidhkiisu Buuxo Muruqyaduna U Dhisanyihiin. Labiskiisu Waa Daba – Galis Surwaal Madow Garba Galis ! Shaadh, Cadaan Ah. Waxa U Sii Dheer Suun Bir Cadi Dhexda Kaga Taal. Waxa Laabtiyo Qoortiisa Ka Ifaya Bahal (Tie Oo Uu Si Siman Isugu Giijiyay.” Timaha Waxa Uu Xiirtay, Sida Laafyaha Casriga Danbe, Dhinacyada Oo Jaray, Iyo Dhakada Sare Oo Uu Ku Reebay Tin,Yar Oo Sida Miiqa Oo Kale Kor U Taagan. Habkan Oo Badi Lays Odhan Karo Ladkiisu Way Kala Simanyihiin. Subaxda Marka Uu Indhaha Kala Qaado, Jidhkiisana Uu Tin Iyo Cidhib Dhaqo. Waxa Aanu Iloobin. Ama Aanu Ka Daahin. Kabadhkii Codoonaa. Ee Uu Care’mada Kala Midabyada Ah. Iyo Mabara-Fuunada Wada Ashqaraartiyo Raali Galinta Miidhana Ku Kaydsaday. Markaasu Is Hortaagaa Muraayadii Uu Isku Daawashadeeda Uu Waayo Badan Ku Soo Caano Maalay. Markaasay Isagiyo Nafsiyo Muraayadu, Marna Muran Galaan Kolna Isku Qushuucaan.! Markase Uu Hoos Isula Faqayaa Ugu Layaab Badan.” Ninyow Sowdiga Dhuubtay? Aaway Feedhihii Garanka Soo Dhaafi Jiray? Tolow Malaha Hablihiyo Inamadii Aad Shalay Wadada Isku Dhaafteen Waxay Isha Kuugu Dabcinayeen, Hoosna Ugu Yar Qoslayeen. Xaga Midabkiyo Labiska Waad Ka Shid.Nayde Ama Xaga Talaabadiyo Socodkaa? Maye Kolay Wax Uun Baa Jira? Labaatan Jirkan Isaga Ah. Shucuur Dareen Farxadeed, Raali Galin Iyo Niyad Sami Isku Lamaanba Waad Ugu Iman. Hadaad La Kulanto Wuxu Kugu Sooryaynaya, Mawjado Madadaaliyo Sheekooyin Xulan Ah. Wuxuu Xikmad Dhaba Ka Aaminsanyahay Erayga Ah Waa Iska Bilaa Mashaakil. Tiro Asaxaaba Waa Leeyahay Waase U Kala Mudanyihiin, Waxawna Ugu Jecelyahay Midka Afkaartiisa Qiimeeya Erayadiisana U Duurxula. Magaciisa Dhabta Ah, In Loogu Yeedho Wuxu Ka Jecelyahay, In Loogu Waco Naanaysta Joinchena. Haasaawaha Haweenka Iskuma Hawlo, Shukaansi Iyo Sheeko La Wadaagisna Horay Looguma Ogayn Hadana Ha Sheegin. Tolow Maxaa U Diiday? Miyaanu Dareen Rabitaan Qaadi Karin? Isna Danayn Caashaq Loo La Iman Karin? War La Aaney Ba” Wax U Diidan Baa Jira. Sow Yarku Ma Aaminsana Erayga Waa Iska Bilaamashaakil. Xaqiiqda Jacaylkana Uma Haysto Hal Ku Dhig La Soo Dhoob Dhoobo Bulshada Lagu Soo Dhex Tuuray. Oo Maxaa Wacay Hablaha Kuwooga Ashqaraartiyo Eegmada Qurxoonle, Hasaawe La Wadaagistooda Inuu Ka Door Bido, Maruu Sii Socodka Laafyaha Isha U Dabciyo. Iyo Mar Uu Daganida Talaabada Dabacsanida Lagu Ladhay Is,Moogni Ugu Qushuuco.? Waa Ka Xiisiyo Xarakaad Uune Habluhu Markay Arkaan Isaago Talaabada Giijinaya Dhinacna Isku Yar Qaloocinaya. Waxay Iskula Kaftamaan Tolow Ma Somaali Cadaan.Baa.” Isaguse Xasarad Baabu U Arkaa. Hamigiisa Ugu Wayn Ee Mustaqbalku Waa Heer Madaxwayne ! Hadii Laga Tagi Waayana Agaasime / Badiiyaa Wuxuu Wakhti Gaara U Huraa La Socoshada Dhacdooyinka Laga Soo Tabiyo Mediaha Ama Warbaahinta Kala Duwan. Waxaad Ku Arkaysaa Isagoo Bartanka Ugu Jira Goobaha Barkulanka Ee Afkaarah Lagu Kala Qaato. Siyaasadaha Rayu Caabka Dunidiyo Saylada Kala Iibsiga Ciyaartooyada Na Lagu Kala Shaandheeyo. Saacad Kastooy Tahay Safka Hore Waa Kaga Jiraa Gacanta Sarana Waa Jecelyahay.




 By Qalinkii: Xasan M. Cismaan ( Xasan  Journalist)