Waxay Qoryo cabaysan ku qabteen Gaadhi ay la socdaan Wasiirka Caafimaadka iyo Ilaaladiisa + Maayirka Berbera Cabdi-shakuur Ciddin
Hargeysa(GNA)-Laba ka mid ah Ilaalada Hudheelka Ambasador oo ah Hudheelka ugu weyn Magaalada Hargeysa, kuna soo degaan Diblamaasiyiintu, ayaa Xabbad ku qabtay Gaadhiga Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed oo ay la socdeen Wasiirka iyo Ilaaladiisa oo uu weheliyo Maayirka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidi.
Dhacdadan ayaa timi maanta, xilli Hudheelkaasi ay ku sugnaayeen masuuliyiin tiro badan oo ka kala socday laamaha dawladda oo ka qayb galay Munaasibad meher ah uu Maayir ku-xigeenka Caasimada hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne Gabadh loogu doonayay.
Ilaalada Hudheelka ayaa qoryo cabaysan ku qabtay Gaadhiga Xaglo-toosiye oo ka soo baxayey Albaabka laga galo Hudheelka, iyagoo isku dayay inay ka joojiyaan albaabka khaldan ee uu ka soo baxay, waxaana markii ay qoryaha ku qabteen ka soo booday gaadhiga Wasiirka iyo Maayirka oo argagaxsan.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay inay Ilaalada Wasiirku iyaguna hal mar Gaadhiga ka dageen, isla markaana qoryo ku qabteen Nimanka Gaadhiga ishortaagay “Illaalada Wasiirka ayaa labadii nin qabtay, isla markaana qoryihii intay ka qaadeen xidhay”sidaasi waxa sheegay goob-jooge ku sugnaa halka falku ka dhacay.
Dhinaca kale, waxa goobta soo gaadhay Wasiirka arrimaha gudaha iyo masuuliyiin kale oo ka qayb-gelayay xaflada, balse dhacdadu markii ay dhacday ka qayb qaatay xalinteeda.
Sida uu sheegay Wariye ka tirsan bahda Gobanimo oo Hudheelka ku sugnaa, Wasiirka Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socday laamaha dawladda iyo Asxaabta Siyaasadda, ayaa Hudheelka ku sugnaa xilliga arrintan dhacday.
Masuuliyiintan ayaa dhamaantooda ka xumaaday falka lagula kacay Wasiirka iyo xubnaha la socday, waxaanay ku tilmaameen khalad isfaham daro ka dhashay.
Gaadhiga Wasiirka Caafimaadka ayaa ka soo baxayay marka xabbada lagu qabtay Albaabka Hudheelka laga soo galo (entry Door), ee aan laga bixi Karin, waxaanay ku dooddeen markii la waydiiyay sababta ay halkaas u soo mareen inuu cidhiidhi badani ka jiro albaabka laga baxo ee sharciga (Exit Door).
Maaha markii ugu horaysay ee Ilaalada Hudheelka Ambasador iyo Masuuliyiinta Xukuumadda ismaandhaaf dhex maro, balse muddo ka hor ayay ahayd markii Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan Xabsiga dhigay qaar ka mid ah Ilaallada Hudheelka oo Albaabka ku baadhay gaadhigiisa.
Ciidanka Hudheelka Ilaalliya ayaa ah kuwo uu Hudheelku leeyahay oo ugu diwaan-gashan Shirkad ammaan oo gaar loo leeyahay, iyadoo dhawr jeer khilaaf ka dhashay in hubka laga dhigo ciidankaas, maadaaama aanay ahayn Bilays dawladdu leedahay oo ammaanka sugaya ee ay yihiin Dad shacab ah oo sida waashmaaniinta loogu talo galay sugida nabad-gelyada lbaabka Hudheelka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com